4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 4 , 2017
Dugaag soo galay magaalooyinka kadib markii abaartu saamaysay

 

Sabti, Febraayo 04, 2017 [HOL]-Dugaag ayaa lagu soo waramayaa inay soo galeen magaalooyinka kadib markii abaartu saamaysay gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Abaarta Soomaaliya ka jirta ayaa horay u saamaysay dadkii iyo duunyadii ayadoo qeybo badan oo Soomaaliya ka tirsan ay dad iyo duunyaba ku dishay.

Iminka ayaa dadkii iyo duunyadii wixii soo haray iyo waliba xayawaanka duurjoogga ah ay geeri qarka u saaran yihiin.

'Xayawaankii dugaaga ahaa ayaa magaalooyinka soo galay kadib markii ay ka waayeen baad iyo biyo duurarka. Duurkii wax laga cuno maleh'. Sidaa waxaa BBC-da laanta Soomaaliga u sheegay Yuusuf Xasan Ciyow oo ah guddoomiyaha guddiga abaaraha ee Ahlu Sunnaha ee gobolada dhexe.

'Labo sano roob kama da'in. Dhib badan baa ka jira. Waxaa waxaas oo dhan ka daran waraabeyaashii iyo xayawaankii magaalooyinkii ayuu isugu yimid. Dadkii baadiyahana ayagoon waxba wadan ayay magaalooyinka usoo galayaan toban toban iyo labaatan labaatan'. Intaana wuu raaciyay hadalkiisa Yuusuf.

Asbuucii la soo dhaafay, QM ayaa aad uga sii deyrisay xaalada abaarta ee Soomaaliya ka jirta iminka.

'Waxaa jira astaamo muujinaya in xaalada baniaadminimo ay kasii dartay gudaha Soomaaliya. Waxaa jira calaamado walaac abuuraya oo tilmaamaya in macaluuli dillaaci karto gudaha dalkaa sanadkaan'.  Waxaa sidaa yiri afhayeenka QM Stephane Dujarric.

Xafiiska OCHA ee QM ayaa sheegay in tirada dadka gargaarka u baahan ee kusugan gudaha Soomaaliya ay gaadhay 6.2 malyan.

Waa tiro cagacageyneysa kala bar dadka Soomaaliya sida QM gaar ahaan UNDP u diiwaan gashan.Waxaa QM sheegtay in ku dhawaad 3 malyan oo qof ay qabaan baahi aad ah oo raashin ay u qabaan.

363,000 oo carruur ah ayaa QM sheegeysaa in nafaqo darro ba'ani heyso. Carruurtaa ayaa ka yar da'da 5 sano jirka.

Carruurtaa ayaa 71 kun oo ka tirsan waxay QM sheegtay in macaluushooda waliba ay ka daran tahay tan heysa carruurta kale ayna geeri qarka u saaran yihiin.

QM ayaa sheegtay in in ka badan 40% dadka Soomaaliya aysan heysan raashin ku filan.

Sanadkii 2011 ayaa waxaa Soomaaliya ku dhintay rubac milyan dad ah kadib markii abaar ba'an ay ka dillaacday gudaha Soomaaliya.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]