4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 4 , 2017
Jeedinta khudbadaha musharixiinta oo goor dhaw bilaabatay

Sabti, Feberaayo, 04, 2017 (HOL) - Waxaa goor dhow xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ka bilaabatay dhageysiga wajiga labaad Khudbad jeedinta musharaxiinta xilka madaxtinimada dalka.

Xarunta gollaha shacabka waxaa ku sugan 7 Musharax ee maanta loo qorsheeyay in ay jeediyaan khudbadaha, maadaama uu is casilay  Eng C/laahi Cali Xassan oo ka mid ahaa musharixiintii maanta ku qornaa jadwalka jeedinta khudbadaha.

Guddoomiyaha gollaha shacabka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo ku xigeenadiis ayaa ku sugan xarunta ay socoto khudbad jeedinta, si ay ula socdaan musharaxiinta iyo hadal jeedintooda.

Musharaxiinta khudbadaha jeedinaya ayaa waxa ay kala yihiin:-

C/naasir Cabdulle Maxamed

C/raxmaan C/shakuur Warsame

C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole)

C/laahi Cali Axmed (Cadow Cali Gees)

C/laahi Ciilmooge Xirsi

C/qaadir Cosoble Cali

Cali Xaaji Warsame.

Ugu danbeyntii, maalinta beri ah  ayaa lagu waddaa in la soo gabagabeeyo jeedinta khudbadaha masharxiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]