4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 4 , 2017
Ururka caafimaadka aduunka ee WHO oo sheegay in dad aad u badan ay u le'daan kansar la daweyn karo

 

Sabti, Febraayo 04, 2017 [HOL]-Ururka caafimaadka aduunka ee WHO ayaa sheegay in dad aad u badan ay sanad walba u le'daan kansar la daweyn karo.

WHO ayaa sheegay in awal kansarku uu ahaa cudur ku badan dalalka horumaray ee warshadaha leh balse iminka dalalka faqriga ah uu dad badan ku laayo sanad kasta. WHO ayaa sheegay si kastaba in cudurkaa laga daweyn karo bukaanada marka uu bilowga yahay.

Maanta ayaa waxay ku beegan tahay maalinta caalamiga ah ee taageerida dadaalada ka dhanka ah cudurka kansarka.

WHO ayaa warbixin kusoo beegay maanta warbixintaa oo sidaa aanu sheegnay lagu xusay.

Waxaa sidoo kale WHO uu sheegay in kansarka guud ahaan caalamka uu sare u kacay.

Ururka WHO ayaa sheegaya in cudurka kansarku 2/3 bukaanada uu dilo ay kasoo jeedaan dalalka leh dhaqaalaha meel dhexaadka ah iyo kuwa dhaqaalahoodu hooseeyo.

Waxaa ururka WHO uu sheegay in dhowr sano kadib dadka uu dalalkaa ku dilo xanuunkaan ay siyaadi doonaan gaarina doonaan 8.2 milyan.

Ilaa 2030 ayaa waxaa WHO sheegay in ilaa 9 malyan sanadkiiba ay u dhiman doonaan kansar gudaha dalalka leh dhaqaalaha meel dhexaadka ah iyo kuwa dhaqaalahoodu hooseeyo waa hadii aan wax laga qaban baaritaanada kansarka iyo daweynta.

WHO ayaa sheegay in qarash badan lagu bixiyo daweynta kansarka daafaha caalamka oo idil balse wuxuu xusay in kansarku ka hortag leeyahay.

Waxaa taxadarka la qaadan karo si looga foojignaado cudurka ku jira joojinta dhuuqidda sigaarka, yereynta cuntada dufanka badan, joojinta khamriga iyo qaadashada hawo nadiif ah. 

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]