4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 4 , 2017
Al Shabaab oo uga digtay dumarka Soomaalida ah in ay KDF daawo u raadsadaan

 

Sabti, Febraayo 04, 2017 [HOL]-Xarakada Al Shabaab ayaa uga digtay dumarka Soomaalida ah in ay KDF iyo isbitaaladooda ay daawo u raadsadaan.

Waxay sidoo kale uga digtay al-Shabaab dumarka Soomaaliyeed inay daawo u raadsadaan ciidamada Marines ee Mareykanka. Waxay xarakadu uga digtay dumarka Soomaalida inay magaalooyinka xadka ku yaala ee Kenya ay daawo u raadsadaan.

Digniintaan ayaa imaaneysa ayadoo dumar iyo carruur badan oo Soomaali ah ay daawoyin usoo raadsadaan iminka degmada Lamu ee Kenya.

Meelaha degmadaasi Lamu ka tirsan ee gaar ahaan dumar iyo carruur badan oo Soomaali ah ay dawooyinka usoo doontaan ayaa waxaa kujira Basuba, Kiunga iyo Ishakani oo xadka dhaca.

KDF iyo al-Shabaab ayaa dagaal isaga soo horjeeday laga soo bilaabo sanadkii 2011 markii ciidamada Kenya ay galeen Soomaaliya.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Nairobi Kenya
[email protected]