4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 4 , 2017
3 dukaanle oo Soomaali ah oo lagu dilay Koofur Afrika

 

Sabti, Febraayo 04, 2017 [HOL]-3 dukaanle oo Soomaali ah ayaa isku mar lagu dilay Koofur Afrika.

Dukaanleydaas ayaa gaar ahaan waxaa lagu dilay Khayelitsha, galbeedka Cape habeenkii Khamiisaad ee Jimcuhu soo galaayay. Booliska ayaa sheegay in wali cid loo soo qabtay aysan jirin dilalkaa.

'Wali lama garan sababta dadkaa loo laayay walina qof loo soo xiray maleh'. Sidaa ayuu yiri boolisku.

Dukaanleyaashaa la dilay ayaa dhammaantood ahaa dhallinyaro kujira da'da labaatameeyada.

Ciidamada booliska ee dalkaa ayaa ka dalbaday cidii war dilalkaa la xiriira heysa oo gacan ku dhiigleyaasha lagu soo xiri karo inay soo wacdo teleefan nambarka 08600 10111.

Koofur Afrika ayaa ah dal lagu gumaado Soomaalida walow dawladii dhexe ee Soomaaliya ay aad ugu caawisay dadka dalkaa sidii ay gumeysiga uga adkaan lahaayeen oo dawladii midab takoorka ku dhisneyd ay meesha uga saari lahaayeen.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]