4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 4 , 2017
C/raxmaan Faroole : Xildhibaannada waxaan uga digayaa in ay ka foojignaadaan faragalinta shisheeye

Sabti, Feberaayo, 04, 2017 (HOL) – Madaxweynihii hore ee maamul gobolleedka Puntland C/raxmaan Max’ed Max’uud Faroole islamarkaana ah xubin ka tirsan aqalka sare ee Soomaaliya dhinaca kalana ah musharax u taagan xilka madaxweynaha ayaa sheegay in uu ka digayo sida uu hadalka u dhigay faragalin dowlado shisheeye ay ku hayaan doorashada Soomaaliya.

C/raxmaan Faroole ugu baaqay dowladdaha dariska ah in aysan isku dayin sida uu hadalka u dhigay in ay soo faragalinayaan waqtigan xasaasiga ah doorashada la filayo in ay ka dhacdo dalka Soomaaliya, isaga oo intaa ku darray in ay jiraan astaamo muujinaya in ay faragalin jirto.

‘’ Dowladdaha ama daris ha ahaadeen ama kuwa kale ee caalamka intaba waan ixtiraameynaa xaduudahooda iyo darisnimadooda, laakiin ma ogolin marnaba ay soo dhaxgalaan arimaheena, gaar ahaan waqtigan xasaasiga ah ee doorashada loo diyaargaroobayo ayuu yiri’’ C/raxmaan Max’ed Max’uud Faroole.

Waxaa uu sheegay in xildhibaannada Soomaaliyeed uu uga digayo in ay ka digtoonaadaan sida uu hadalka u dhigay faragalinta dowladdaha saameynta ku leh siyaasada Soomaaliya ku hayaan doorashada.

‘’Xildhibaannada Soomaaliyeed ee la soo doortay ee waqtiga taariikhiga ah maraya maanta waxaa uga digeyaa in ay arintaa ka digtoonaadaan, una hogaasamin cid faragalin ku sameysa arimaha masiiriga ah ee umadda Soomaaliyeed’’ ayuu yiri C/raxmaan Faroole.

Ugu danbeyntii, hadalka madaxweynihii hore ee Puntland ayaa imanaya xili dhawaan sidan oo kale ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharm’arke uga eedeeyay qaar ka mid ah dowladdaha dariska ah in ay gacan ku siinayaan doorashada musharax gaar ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]