Xaakim Mareykanka ah oo is hortaag ku sameeyay go’aankii Donald Trump
Sabti, Feberaayo, 04, 2017 (HOL) – Dalka Mareykanka
Xaakim heer federaal ah ayaa si ku-meel-gaar ah u hor istaagay xannibaaddii uu
Madaxweyne Trump ku soo rogay dadkii imanayay 7 dal oo muslim ah oo ay ka mid
tahay Soomaaliya.
Xaakimka, James Robart, oo jooga Seattle ayaa gaashaanka ku dhiftay is
hortaagid ka timid qareenno u doodayey xukuumadda, isagoo sheegay in
xayiraadaha si degdeg ah loo qaadi karo, ayadoo dhanka kalena kiiska xagga
sharciga la dhagaysanayo.
Xukuumadda ayaa la filayaa inay racfaan degdeg ah ka qaadato xukunka, kaasoo
caqabad weyn ku noqday maamulka Trump.
Ugu danbeyntii, maamulayaasha Maraykanka ayaa sheegaya in tobanaan kun oo
Visa dib loola laabtay tan iyo markii madaxweyne Trump uu saxiixay amar
madaxweyne oo xaddidaya socdaalka muddo todobaad laga joogo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]