Maraykanka oo u digay Woqooyiga Kuuriya
Jimco, Feberaayo. 03, 2017 (HOL) -Xog-hayaha
gaashaan dhigga Maraykanka, James Mattis, ayaa sheegay in hadii Kuuriyada
Woqooyi adeegsato hub Nukliyeer ah lagaga felcelin doono "go'aan adag oo
meel mar ah" .
Mattis wuxu ka hadlayey Koonfur Kuuriya oo uu u tagay inuu mar labaad u
xaqiijiyo taageerada Maraykanku u hayo dalkooda, ka dibna wuxu u sii duulay
Tokyo.
Wuxu sidoo kale mar labaad caddeeyey qorsha ah in gantaalaha difaaca ee
Maraykanka la dhigo Koonfur Kuuriya dabayaaqada sannadkan.
Tijaabooyinka is daba joogga ah ee gantaalaha iyo Nukliyeerka Woqooyiga
Kuuriya iyo warbixinaha dhiifta leh ee ay soo saarto ayaa gobolka cadho iyo
walaac ka abuuray.
Maraykana waxa ka jooga Koonfurta Kuuriya iyo Japan ciidamo xooggan oo
joogitaankoodu qayb ka yahay heshiiskii gaashaan dhigga ee wadamadaasi la
saxeexdeen Maraykanka dhamaadkii dagaalkii labaad ee dunida. Koonfur Kuuriya
waxa fadhiya ciidamo Maraykan ah oo tiradoodu wax yar uun ka hoosayso 28,500 oo
askari kuwaas oo Seoul ay bixiso ku dhawaad 900 milyan oo doolar oo qayb ka ah miisaaniyad
sannadeedka ciidamadaas.
Madaxweyne Donald Trump ayaa hore u sheegay in uu doonayo in Koonfur Kuuriya
iyo Japan labadooduba bixiyaan lacago dheeraad ah oo lagu dabbaro kharashka
ciidamadaa ku baxa.
Pentagon-ka ayaa sheegay in Mattis booqashadan uga gol lahaa in uu mar
labaad u caddeeyo Koonfur Kuuriya in maamulka Trump "ay ka
go'antahay" in aanu ka bixin waajibaadkooda ah in ay "gaashaan bir
ah" ku ilaaliyaan gobolka.
Isagoo ka hadlayey xarunta wasaaradda gaashaan dhigga Koonfur Kuuriya oo uu
wada hadal kula yeeshay dhiggiisa dalkaas Han Min-koo, ayuu Mattis
warfidiyeenka u sheegay "weerar kasta oo lagu soo qaado Maraykanka ama
xulufadayda waanu fashilin doonaa, hadii la adeegsado hubka Nukliyeerka ah
waxaanu kaga fal celin doonaa go'aan adag oo meel mar ah".
Woqooyiga Kuuriya ayaa sannadkii hore fulisay tijaabadii shanaad ee
Nukliyeer ah waxaanay sheegatay in ay awood u leadahay in ay weerar Nukliyeer
ah ku ekayso Maraykanka in kasta oo khubaradu aanay ilaa haatan ku qanacsanayn
in tiknoolajiyadeedu ilaa heerkaa hore u martay.
Ugu danbeyntii, waxay sidoo kale todobaadyadii la soo dhaafay sheegtay in
samaysatay gantaalaha riddada dheer ee qaaradaha iskaga goosha oo gadhi kara
dhulka Maraykanka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]