4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 3 , 2017
Askari Faransiis ah oo toogasho ku dilay qof soo weeraray

 Jimco, Feberaayo, 03, 2017 (HOL) - Warbaahinta ayaa sheegaysa in askari Faransiis ah oo gaadh ka hayey matxafka Louvre ee Paris rasaas ku furay nin uu ka shakiyey in uu weerar damacsanaa.

Ninkaas oo ku dhawaaqayey "Allaahu Akbar" ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayey in  midi uu sitay ku dhufto askariga laakiinse uu isaga dhaawac ba'ani soo gaadhay ka dib markii askarigu rasaas kaga jawaabay weerarkaa.

Ninka weerarka ahaa yaa la sheegay inuu doonayey inuu galo dukaan ku yaal khanka hoose ee matxafka. Hawl gal nabadgelyo oo ballaadhan ayaa haatan socda wasaaradda arimaha guduhuna waxay xaaladda ku tilmaantay mid "ba'an".

Dadkii ku jiray matxafka Louvre ayaa iyagana laga daad gureeyay.

Wararka ku saabsan dhacdadani way isa soo tarayaan, laakiin af-hayeenka booliska Faransiiska ayaa isna sheegay in ninka weerarka qaaday ku dhawaaqayey "Allaahu Akbar" oo ah erayo af-carbeed ah oo ka dhigan Allaa weyn, hase ahaatee muu sidanin waxyaabaha qarxa.

Ugu danyntii, wararka qaarkood ayaa sheegaya in uu sitay mid ama laba shandadood, war kalena wuxu tibaaxay in uu dhabarka ku sitay shandad oo uu faashna sitay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]