4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 3 , 2017
Xarrakada Al-shabaab oo weerar ku qaaday saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin Sh/hoose

Jimco, Feberaayo, -03, 2017 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in dagaal  u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab uu xalay ka dhacay deegaanka Muuri.

Dagaalka ayaa dhacay kaddib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen fariisin ciidanka dowladda ku lahaayeen deegaankaas.

Dad ku sugan degmada Afgooye ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka uu ahaa mid culus oo leysku adeegsaday hub kala duwan.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Muuri ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay isaga baxeen deegaanka, xaaladuna ay tahay mid iminka degan.

Ugu danbeyntii, Al-Shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ku qaadayeen xeryaha ciidamada, todobaad ka hor ayay aheyd markii ay weerareen deegaanka Kulbiyow oo ay saldhig ku lahaayeen ciidanka Kenya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]