4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 3 , 2017
Dumar Soomaali ah oo sheegay in oraah takoor ah lagu yiri

Xaquuqda masawirkaan/Star Tribune


Jimco, Febraayo 03, 2017 [HOL]-Haween Soomaali ah ayaa ka cawday in oraah dhaawacday dareenkooda lagu yiri gudaha dal weynaha Mareykanka.

 

'Ku noqda wadankiinii'. Sidaa ayay ka cawdeen dumarkaasi in lagu yiri ayagoo kusugnaa Edina Smashburger.  Dumarkaa oo ahaa labo ayaa aad si u xun loola tacaamulay aabyina halkaa loogu geystay. 

 

Waxaa sidaa loo yeelay diintooda iyo dadnimadooda dartood. Labo ka tirsan shaqaalaha maqaaxida Smashburger ee kutaala Edina Minnesota ayaa akhlaaq darradaa la sheegay inay haweenkaa xijaabnaa ee Soomaali Mareykanka ah ay kula kaceen. 

 

Khadra Cabdi iyo Sacdiya Warfaa oo da'da 30 jirka kujira ayaa kusoo bandhigay walaaca aritaasi ku abuurtay baraha bulshada gaar ahaan fb iyo twitter. 


Si kastaba ha ahaatee maamulka maqaaxida Smashburger ayaa sheegay in dadka aabyigaa geystay ay macaamiil ahaayeen balse aysan shaqaalaha maqaayada ka tirsanayn.


 “Waxaan dareemay in oraah laigu weeraray sidii anigoo ah dhibbane Islaam naceyb.” Khadra ayaa sidaa tiri.


Waxay sidoo kale Khadra sheegtay in sheegashada maamulka maqaaxida ee ah in shaqaalaha maqaayadu aysan geysan aabyiga ee waxa geystay ay macaamiil ahaayeen ay tahay been.

 

'Waxaan rabaa inaan iraahdo wax si dadku u ogaadaan in macaamilka noocaan ah uusan caadi ahayn'. Sidaa ayay tiri Khadra.

 

Labadaa dumarka ah ayaa iminka dalbanaya in maamulka maqaaxidaasi arinkaa ka raali galiyo.


Laga soo bilaabo markii ololaha doorasho uu bilaabay Donald Trump iyo gaar ahaan markii loo dhaarshay xilka madaxweynenimo ayuu abuuray Islaam nacayb geyru caadi ah kaasoo wax u dhima dadka Muslimiinta ah oo dhan.

 

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]