4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 3 , 2017
Dowladda oo soo dhaweysay go’aankii ka soo baxay maxkamada caalamiga ee ICJ

Jimco, Feberaayo, 03, 2017 (HOL) - Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay go’aanka ka soo baxay maxkamada caalamiga ah ee ICJ.

Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay guul u tahay go’aanka ay gaartay maxkamada ICJ isla markaana ay rajeynayaan in inta dhiman guul ay ku soo dhamaato.

Xeer Ilaaliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay ka guuleysan doonaan dowladda Kenya, waxaa uuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay isdajiyaan.

Waxaa uu sidoo kale sharaxaad dheeri ah ka bixiyay qaabkii shalay ay u dhacday go’aanka Maxkamada ICJ, isaga oo sheegay in markii horeba dowladda Soomaaliya sii ogeyn in doodda Kenya aysan wax sharciyad ah ku fadhin.

Ugu danbeyntii, maalintii shalay ayeey aheyd maxkamadac caalamiga ee ICJ ay si rasmi ah u shaacisay in ay geli karto ama ay qaadi karto dacwada muranka badda ah ee u dhaxeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya, waxaana dowladda Kenya ay horay u diidan in maxkamada ICJ aysan qaadi karin dacwada kala dhaxeysa dowladda Soomaaliya ee la xiriirta badda.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]