4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 3 , 2017
QM oo aad uga sii deyrisay xaalada abaarta ee Soomaaliya

 

Jimco, Febraayo 03, 2017 [HOL]-QM ayaa aad uga sii deyrisay xaalada abaarta ee Soomaaliya ka jirta iminka.

'Waxaa jira astaamo muujinaya in xaalada baniaadminimo ay kasii dartay gudaha Soomaaliya. Waxaa jira calaamado walaac abuuraya oo tilmaamaya in macaluuli dillaaci karto gudaha dalkaa sanadkaan'.  Waxaa sidaa yiri afhayeenka QM Stephane Dujarric.

 

Xafiiska OCHA ee QM ayaa sheegay in tirada dadka gargaarka u baahan ee kusugan gudaha Soomaaliya ay gaadhay 6.2 malyan.

 

Waa tiro cagacageyneysa kala bar dadka Soomaaliya sida QM gaar ahaan UNDP u diiwaan gashan.

 

Waxaa QM sheegtay in ku dhawaad 3 malyan oo qof ay qabaan baahi aad ah oo raashin ay u qabaan.

363,000 oo carruur ah ayaa QM sheegeysaa in nafaqo darro ba'ani heyso. Carruurtaa ayaa ka yar da'da 5 sano jirka.

 

Carruurtaa ayaa 71 kun oo ka tirsan waxay QM sheegtay in macaluushooda waliba ay ka daran tahay tan heysa carruurta kale ayna geeri qarka u saaran yihiin.

 

QM ayaa sheegtay in in ka badan 40% dadka Soomaaliya aysan heysan raashin ku filan.

 

Sanadkii 2011 ayaa waxaa Soomaaliya ku dhintay rubac milyan dad ah kadib markii abaar ba'an ay ka dillaacday gudaha Soomaaliya.

 

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]