4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 3 , 2017
Ra'iisal wasaare ku-xigeenka oo baarlamaanka kala wareegay lacag wax looga qabanayo abaarta

Jimco, Feberaayo, 03, 2017 (HOL) - Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Gudoomiyaha Guddiga Gurmadka Abaaraha ee heer Qaran ayaa maanta ka guddoomay lacag dhan $360,000 (saddex boqol iyo lixdan kun), Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Lacagtaas oo ah 50% lacagti laga uruuriyay Musharixiinta jagada Madaxweynenimo u tartamaysay oo horey Xildhibaanada labada Aqal u go’aamiyeen in wax looga qabto Abaaraha dalka ka jira.

Mudane Carte ayaa u mahad celiyay dhammaan Musharixiinta iyo Xildhibaanada labada Aqal isaga oo sheegay in lacagtan ay gaarsiin doonaan dadkii loogu talagalay.

“Xildhibaanada labada Gole iyo Musharixiinta aad ayaan uga mahad celinayaa doorka ay ka qaateen in loo gargaaro dadkeenna dhibaateysan; waxa aan Ilaahay hortiis iyo hortiinaba ka ballan qaadayaa in lacagtani ay ku bixi doonto sidii loogu talagalay”.

Ugu dmabeyn, ra’iisul wasaare ku-Xigeenka ahna Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ayaa Xildhibaanada, Musharixiinta, iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee dadka Soomaaliyeed ka codsaday in ay wax walba oo karaankooda ah la garab istaagaan guddiga si loo badbadiyo ku dhawaad 5 milyan oo qof oo Soomaali ah oo abaartu saameysay.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]