4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 3 , 2017
Ururka KAJOOG ee Minnesota oo diiday lacag loogu deeqay


Jimco, Febraayo 03, 2017 [HOL]-Ururka KAJOOG oo ka wacyi galiya Soomaalida Mareykanka gaar ahaan dhallinyaradu inay ku biiraan kooxaha argagixisada loogu yeero ayaa diiday lacag ku dhow $500,000 oo dawlada Mareykanku ay ugu deeqday.

'Ka urur ahaan isku dayaya inuu isbaddal wanaagsan keeno, waxaanu dareemeynaa in hannaankaan uu maamulka Trump oo cabsi abuuraya uu caqabad ku noqday'. Sidaa waxaa lagu yiri bayaan shalay ururka KAJOOG uu soo saaray.

'Maamulka Trump ayaa abuuraya caro ka dhan ah Muslimiinta iyo mustaqbal aan waadax ahayn'. Bayaanka ayaa sidaa lagu xusay sidoo kale.

Ururkaa ayaa bayaankii shaly uu soo saaray laga dheehan karaa inuu lacagtaa ku diiday shacuurta siyaasadeed ee iminka maamulka Donald Trump uu la yimid ee gacana sidaan ugu  doonaya inuu ku caawiyo ururkaa Soomaaliyeed gacana xayiraad ugu soo rogaya dadka Soomaaliyeed ama guud ahaan Muslimiinta doonaya inay galaan Mareykanka.

Arinkaan ayay xaqiijiyeen mar kale xubnaha ururka qaar ka tirsan oo warbaahinta la hadlay.

Guddiga maamula KAJOOG ayaa sheegay in qarashkaa ay diideen kaasoo dhammaa gaar ahaan  $499,998, waa nus malyan doolar oo dhimman $2 oo qura.

“Si ururka Ka Joog uu usii wado dhisidda bulshada, wuxuu u baahan yahay wacyigalin dhiifoon oo ah shaqada qasabka nagu ah inaan si joogto ah usii wadno si aanu hoos ugu dhigno caddaalad darrada horseeda kala qeybsanaan dheeraad ah.”  Maxamed Faarax oo ah agaasimaha guud ee ururkaa ayaa sidaa yiri.

Ururka ka joog ayaa dawlada Mareykanku aqoonsan tahay kuna taqaan inuu yahay mid horumariya nolosha dhallinyarada Soomaali Mareykanka ah.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]