4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 28, 2017
Deg-Deg: Koox hubeysan oo dilay askari kadibna Qorigii ka qaatay

Talaado, Feberaayo, 28, 2017 (HOL) – Laba wiil oo watay Bistoolado, ayaa degmadda Dharkeenley ee magaaladda Muqdisho ku dilay Askari ka tirsanaa ciidanka xoogan dalka Soomaaliya.

Askariga ayaa lagu magacaabi jiray Mowliid Maxamed, waxaana la sheegay in qorigii uu watay ay qaateen kooxihii dilka geystay.

“ Laba wiil oo hubeysan ayaa dilka geystay, waxaana ay ka baxsadeen goobtii ay dilka ka geysteen” goobjooge diiday in magaciisa la sheegay ayaa Hiiraan Online uga waramay dilka.

Ciidamada dowladda ayaa howlgallo ka wada degmadda caawa.

Todobaadkan ayaa magaaladda Muqdishu waxaa ka dhacayay toogasho ay geysanayeen kooxo hubeysan, mana jirto ilaa iyo hadda dad loo qabtay weerarada todobaadkan dhacay.

Hassan Istiila