4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 28, 2017
Maxkamadeynta wiilal Soomaali ah oo gaaraya 118 ruux oo ka bilaabatay dalka India

 

Talaado, Feberaayo, 28, 2017 (HOL) – Magaaladda Bombay ee dalka India, waxaa manta ka bilaabatay maxkamadeynta wiilal soomaali ah oo tira ahaan gaarayay 118, kuwaas oo lagu soo oogay falal Burcadbadeednimo ah, sida ay sheegeen saraakiisha Dowladda India.

Dhegeysiga maxkamadan ayaa bilaabatay manta, waxaana Qareenadii ka socday dowladda India ay maxkamada soo istaajiyeen mid ka mid ah shan Marqaati oo ay sheegeen iney hayeen.

Dhegeysi dheer kadib, Garsooraha waxaa laga codsaday in Afarta marqaati ee hartay si deg-deg ah loo horkeeno maxkamadda, maadaama ay dabadheeraatay dacwada iyo xukunka dhalinyaradan.

Dhanka kale, Qareen-ka u doodayay wiilashan Soomaalidda ah oo bar-bar socotay safaarada Soomaalida, ayaa isna ku doodayey in dhalinyaradan ay qirteen dacwada lagu soo oogay, laakiin uu ka codsaday in xukunka wiilasha la rido si dowladdaha India iyo Somaaliya ay uga xaajoodaan.

“Safaaradda waxaa ay dadaal dheer u galeysaa sidii dacwada wiilashaan loo dhameyn lahaa” sidaasi waxaa Hiiraan Online u sheegay Axmed Xiish oo ah xoghayaha koowaad ee safaaradda, islamarkaana ah shaqsiga u xilsaaran dacwada wiilasha.

Ugu dambeyn, wiilashan loo heysto dacwada Burcadbadeednimadda, ayaa waxaa ay tiradooda ay aheyd 120, inkasoo nisiib darro laba ka mid ah ay horay ugu dhex-geeryoodeen xabsiga.

Maalinta Isniinta ee  6 –Maarso, ayaa loo madlanyahay in mar kale marqaatigii labaad la dhegeyso.

Ibrahim Baafo Hiiraan Online 
[email protected]
Bombay, India