4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 28, 2017
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland uu furay mashruuca sanadla ah ee JPLG-ga Dawladaha hoose Somaliland


Talaado,Febraayo ,28 , 2017 (HOL) – Madaxwayne Ku-xigeenaka Somaliland ahna kusimaha Madaxwayanaha Mudane: Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta furay mashruuca sanadlaha ah ee horumarinta dawladaha hoose ee dalka ee loo yaqaano (JPLG) .

Mashruucan oo sanadkan 2017 ay soo qaban qaabisay Hay'ada UN Habitat ayaa lagu soo ban dhigay kharashka ay sannadkan u qoondeeyeen dawladaha hoose ee dalka isagoo kharashkanina ka badan yahay kii sannadkii hore .

Afhayeen u hadlayay hay'ada UN-Habitat ayaa sheegay in Mashruuca JPLG-gu yahay mashruuc faa'ido tiro badan u leh guud ahaan Somaliland isagoo xusay in dhankeedana Somaliland ay si wayn ugu guulaysatay hab nidaameedka shaqo ee mashruucan isagoo ugu baaqay dalalka gobolka iyo hay'adaha Caalamiga ahba inay wax ka bartaan Somaliland.

Madaxwayne Ku xigeenka Somaliland ahna kusimaha Madaxwayanaha Somaliland oo isagu mashruucaasi furay ayaa sheegay in mashruucani faa’iido badan u leeyahay degmooyinka uu ka socda iyo shacabka ku nool.

"Waxaan u mahad celinayaa shanta ha'yadood ee ku midoobay mashruucan,Ilaahay mahadii maanta waxa ay noo soo gudbiyeen miisaaniyad sanadeedka 2017-ka taas oo aynu wax kaga qaban karno baahiyaha ay dawladaha hoose soo qorteen,iyadoo aynu kala horaysiinayno baahiyaheena oo ay kaw ka tahay dib u dhiska dawlaha hoose iyo maamuldaadajinta maadama sannadkanu yahay sannadkii u danbeeyay ee wajigii labaad afartan degmo ee ay hawshu ka socoto mashruuca saddexaad ee (Face Three) waxa aynu awooda saari doonaa labada Gobol ee aanu gaadhin mashruuca JPLG-gu ee Sool iyo Sanaag sidaa awgeed anigoo ku hadlaya afka dawlada waxaan deeq bixiyayaasha ka codsanayaa inay tix geliyaan baahiyaha ay dawlada hoose noosoo gudbiyeen, dawlada dhexena miisaaniyada ayay ugu dartay wixii kaga soo hagaagay mashaariicdan "ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Ku simaha Madaxwayanaha.

Mashruucan JPLG-ga ayaa ah hay’adaha UN-ta ku caawiyaan dawladaha hoose ee Somaliland,isla markaana maamul daadajin lagu sameeyo hawlaha dawladaha hoose u qabtay shacabka.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland