Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyay shirweyne looga hadlayay abaarta Soomaaliya oo Muqdisho ka furmay
Talaado, Feberaayo, 28, 2017 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed
Cabdullaahi Farmaajo, ayaa furay shirka gurmadka Abaaraha Soomaaliya ee u
dhaxeeyey beesha caalamka iyo dowladda Federaalka Sooomaaliya.
Madaxweynaha oo furay shirka
gurmadka abaaraha, ayaa kudbaddiisa uga hadlay khatarta abaarta ka jirta
gobollada Soomaaliya iyo haddii aan wax laga qaban dhibaatada ka
dhallan karta, madaxweynaha ayaa sheegay in halista ugu daran ay tahay
haweenka iyo carruurta ay saameysay arrintaasi, isla markaana ay waajib ku
tahay dowladda oo kaashaneysa saaxiibadeeda beesha caalamka in si deg deg ah
looga jawaabo oo gurmad la helo, abaarta waxa ay si la mid ah dadka u sameysay
xoolaha iyo kaabayaashii kale sida biyaha iyo beeraha.
Madaxweynaha ayaa sheegay in shirka
May ka dhici doona London ee arrimaha Soomaaliya looga hadlayo in ay geyn dooni
istaraatiijiyad cad oo ay dowladda ka leedahay abaaraha soo laa laabtay, waxa
uu ugu baaqay Midowga Africa, Midowga Yurub, OIC iyo saaxiibada caalamka in ay
kala qeyb-qaataan badbaadinta nolosha dad badan oo Soomaaliyeed,
madaxweynuhu waxa uu xusay in abaarta ay gobolka oo dhan ka jirto,
laakiin Soomaaliya ay u nugushahay xilligaan, waxa uu si gaar ah uga hadlay in
muhiimaddu ay tahay in gurmadka laga bilaabo waxyaabaha aas-saasiga u ah
nolosha bini’aadamka.
Shirka waxaa joogey dowlad
gobolleedyada Soomaaliya, wakiilladii u hadlay ayaa ka war-bixiyey xaaladaha
daran ee abaarta, wakiillada Koonfur Galbeed waxa ay sheegeen in xaaladdu ay ku
sii socoto Macluul meelaha qaarna ay dad badan ugu dhinteen.
Dhinaca kale wakiillada beesha
caalamka, ayaa sameeyey ballan-qaadyo ay ku sheegeen in si deg deg ah loo
fulinayo, ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cumar Carte ahna
guddoomiyaha guddiga Gurmadka Qaran ee abaaraha, ayaa ka warramay
natiijada ka soo baxdey shirkii maanta ee gurmadka abaaraha Soomaaliya looga
hadlayey.
Hey’addaha gargaarka ayaa sheegaya
in illaa 600,00 oo caruur ah ay qatar ugu jiraan xaalad nafaqo darro, iyadoo
loo baahan yahay in la gaarsiiyo gargaar deg deg ah, dadka Soomaaliyeedna
waajib gaar ah ayaa ka saaran gurmadkaan.
Ilaa bisha June xaaladda abaarta
waxa ay gaari doontaa 5.5 Milyan, Q.M waxa ay sheegtay in ay dalbeed
lacag dhan 825 Milyan oo dollar si gurmad dadka loogu gaarsiiyo haddan ay
soo gaartay 75 Milyan.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]