4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 28, 2017
Madaxweyne Farmaajo oo goor dhaw daah furay shirweyne looga hadlay arimaha abaaraha

 Talaado, Feberaayo, 28, 2017 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa goordhaw xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho ka furay shir heerkiisu sareeyo oo looga hadlayo arimaha abaaraha ka taagan Soomaaliya.

Shirkan waxaa ka qeyb galaya Wakiilo ka socda Beesha Caalamka, Hay'adaha gar gaarka bixiya iyo sidoo kale qaar kamid ah Madaxda Maamul goboleedyada dalka, waxaana shirka inta uu socdo looga hadli doonaa abaarta daran ee Soomaaliya ka jirta iyo sida loogu gurman karo dadka ay saameesay abaarta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shir gudoominaya shirkan goordhaw furmay ,waxaana hada socda khudbado ay jeedinayaan Madaxda kala duwan ee ka qeyb galeysa shirkan looga arinsanayo sidii loogu gurman lahaa dadka ay abaarta daran saameysay.

Soomaaliya qeybo badan oo kamid ah waxaa xiligan ka jirta abaar daran oo dad iyo duunyaba saameesay, waxaana abaarta jirta ay sababtay geerida dad badan oo u geeriyooday baahi iyo haraad halka xoolo badana ay baaarta ku dhamaadeen.

Wixii warar ah ee ka soo kordha shirka waan idin soo gudbin doonaa..

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]