Hogaamiyihii labaad ee ururka Al-Qaacida oo lagu dilay Waqooyiga Suuriya
Talaado, Feberaayo, 28, 2017 (HOL) - Warar aan la xaqiijin
ayaa sheegaya in duqeyn cirka ah lagu dilay Hoggaamiyihii labaad ee Ururka
Al-Qaacida, kaasoo ku sugnaa Gobolka Idlib ee waqooyiga Suuriya.
artilmaameedka weerarkan ayaa ahaa gaari uu la
socday Abdullah Abdirahman oo ahaa ninka ku xiga Hoggaamiyaha Guud ee
Al-Qaacida Ayman al-Zawaahiri.
Gaari la duqeeyay ayaa waxaa saarnaa labo qof,
waxaana ku dhacay gantaal dhanka hawada ka yimid, xilliga uu marayay magaalada
Al-mastuma
Ninkan oo loo yaqaano Abu al-Khayr
al-Masri ayaa kala cadeyn inuu ka bad baaday weerarkaas, hase ahaatee hadii la
xaqiijiyo dilkiisa waxay noqoneysaa dharbaaxo kale oo Al-Qaacida ku dhacda.
Kooxda dhaq dhaqaaqa mucaaradka Suuriya ayaa
sheegtay in duqeynta lala beegsaday gaariga lagu dilay labo qof, waxaana sawir
la soo geliyay baraha internet muujinayay gaari bur bursan.
Ugu danbeyntii, diyaaradaha dagaalka ee
xulafada uu hoggaamiyo Mareykanka ayaa la sheegay inay fuliyeen duqeyntan ka
dhacday Gobolka Idlib.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]