4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 2 , 2017
Xildhibaanno ku shiray magaalada Muqdisho oo dalbaday isbadal dhinaca hogaanka ah


Khamiis, Feberaayo, 02, 2017 (HOL) -- In ka badan 170 oo caawa kulan ku yeeshay hotelka Jaziira ee magaalada Muqdisho ayaa ka wada hadlay marxalada uu dalka marayo iyo doorashada madaxweynaha ee la filayo in ay dalka ka dhacdo.

Kulanka oo ahaa mid ay tallo isku dhaafsadeen xildhibaannadii ka qeyb-gallay ayaa dhamaanba xubnihii ka hadlay waxaa ay ku dheeraadeen xalaada guud ee dalka iyo marxaladihii kala duwanaa ee la soo maray mudadii afarta sanno aheyd ee la soo dhaafay, iyaga oo dhinaca kalana isla gartay baahida loo qabo is badal dhinac hogaanka ah.

Shirkan oo ay ka qeyb-galleen xildhibaano oo kaliya ayaa waxaa ka dhax muuqday mudanayaal muddo dheer ku soo jiray baarlamaanka, kuwaa oo sheegay in xiligan ay hortaalo howl Qaran oo u baahan in loo guto si hufan, iyadoo la eegayo sida ay hadalka u dhigeen baahida bulshada Soomaaliyeed ay u qabaan in la helo hogaan daacad ah.

Maata ayeey aheyd markii ilaa 7 musharax oo u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ay khudbadahooda ka jeediyeen baarlamaanka, kuwaa oo mid walba oo ka mid ah soo bandhigay wax qabadkiisa haddii uu ku guuleysto xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Kulamada iyo shirarka xildhibaannada ay yeellanayaan ayaa waayadii ugu danbeeyayba ka socday magaalada Muqdisho, hasse ahaatee shirkan ayaa u muuqday mid xildhibaannadii ka qeyb-gallay isku aragti ka ahaayeen sida loogu baahan in is badal lagu sameeyo hanaankii siyaasadeed ee dalka waa sida ay xildhibaannada hadalka u dhigeen.

Ugu danbeyntii, doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo ah mid dadka Soomaaliyeed siweyn isha ugu wada hayaan ayaa loo balansan yahay 8bishan Feberaayo maalmo uun ay naga xigaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]