4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 2 , 2017
Madaxweyne Siilaanyo oo ka qeybgallay sanadguuradii 23aad aas-aaska ciidamada militariga


Khamiis, Febraayo ,2, 2017 (HOL)- Ciidamadda militariga Somaliland ayaa u dabaaldegay sanad guuraddii 23aad ee ka soo wareegtay aasaaska ciidankan ayaa lagu qabtay taliska guud ee ciidanku ku leeyahay magaaladda Hargeysa.

Munaasibadan waxa ka soo qaybgallay madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, wasiirka Gaashaandhiga, taliyaha ciiidamadda kala duwan, saddexda gudoomiye ee xisbi iyo marti sharaf kel.

Intii munaasibadani socotay waxa lagu soo bandhigay Riwaayado iyo heeso wadani ah oo ciidanka looga qaadayo, waxaana munaasibadaasi ka hadlay masuuliyiintii ka qaybgallay.

Taliyaha Ciidanka Militariga Nuux Taani ayaa ka sheekeeyey aasaaska ciidankan oo uu sheegay in madaxweynihii labaad ee Somaliland uu aasaasay, isla markaana ciidamado beeloodyaddii wadanka ka jiray loo bedelay ciidanka qaran, iyadoo lagu salaynayo saamiga beeluhu ka heleen xildhibaanadda golaha Guurtidda.

Taliyuhu waxa uu sheegay in saraakiiil faro badan dalal kala duwan uga soo qalin jabiyeen, isla markaana xirfado kala duwan soo barteen, waxaanu sheegay in dhamaan tiknikaddii yo gaadiidkaba ay kiciyeen.

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Axmed Cadami ayaa sheegay in ciidanka Militariga kaalin weyn ka qaateen xalinta iyo kala badbaadinta isku dhacyada beelaha Somaliland dhexdoodda, waxaanu ku amaanay in dirirta ka dhex dhaca beelaha u gurmadaan,isla markaaana kala dhex galaan.

Sidoo kale, wasiirku waxa uu sheegay inay kaalin weyn ka qaateen gurmadka loogu jiro dadka abaaruhu ku dhufteen ee miyiga, isla markaana maanta ay lacag kaga qaybqaadanayaan sidii loo badbaadin lahaa dadkaasi abaaruhu ku dhufteen.

Intaas ka dib madaxweynaha ayaa khudbad dheer ka jeediyey munaasibada, waxaanu kaga sheekeeeyy bilowgii aasaaska ciidanka iyo dadkii hal doorka ku ahaa ee qaramaynta ciidanka xaga hore kaga jiray.

Sidoo kale, waxa uu dalacsiiyey afar boqol oo isugu jira ciidanka Militariga oo uu darajooyin kala duwan siiyey, waxa kale oo darajooyin degdega h siiyey ciidanka qabqabtay deblay weerar ka gaysatay dadna ku laysay magaalada Laascaanood.

“Dib-u-yagleelkii qarannimada Somaliland ee Shirkii Burco, iyo ururintii ciidan beeleedyadii dalka ku kala firidhsanaa, ee lagu tallaabsaday, waxay suurtogalisay aasaaska Ciidanka Qaranka, oo ay maanta ku jiraan, kuwii xilligaa dhashay ama dhallaanka ahaa. Tallaabadani waxay xaqiijisay in la dhiso Ciidan Qaran oo cududdiisa lagu ciil baxo.Anigoo munaasabaddan ka faa’iidaysanayaa, waxaan u hambalyeynayaa madaxdii iyo masuuliyiinta hormoodka ka ahayd, in la unko Ciidammo Qaran, kuwaas oo gufeeyey meel kasta oo gabadano ay gurigeenna ka soo geli lahayd, si gaar ah, waxaan u xusayaa, Madaxweynihii Labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Marxuum, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, iyo Madaxweyne Ku-xigeenkiisii Mudane, Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, kuwaas oo lahaa hal abuurka himilladan qaran, ee lagu haqab-beelay.”ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlayey aasaaska ciidankan.

Madaxweynuhu waxa uu intaas ku daray “Waxaa naga go’an, in aannu illaalinno qiimaha derajada Ciidammada Qaranka, isla markaana aan loo bixin nidaam ku dhisan siyaasad iyo dano gaar ah. Si looga hor tago, ama looga feyjignaado, waxaannu diyaarinnay, Xeer lagu maamulo Derajada Ciidammada Qaranka. Xeerkaas oo hagaya, ama jaan goyen ku samaynaya, sida loo dallaco ama derajo loo helo. Aniga oo ka duulaya Xeerka Derajada Ciidammada Qaranka, iyo soo jeedinta Guddigii Saraakiisha, ee Taliyuhu u magacaabay qiimaynta derajada Ciidanka Qaranka, waxaan maanta idinku bushaaraynaya, in aan dallacsiiyey Ciidanka Qaranka, gaar ahaan, Saddex-Xidgle iyo wixii ka hooseeya, dhamman min hal derajo. Xeerka cusub ee derajada ciidammada loo sameeyey, wuxuu qeexaya in saddexdii sannadooba, hal mar la dallacsiiyo saraakiisha leh derajooyinka (Xiddig, Laba Xiddigood iyo Saddex Xiddigood). Tirada guud ee Ciidanka Qaranka maanta aan dallacsiinaya waxay dhan tahay 4393.

Sidoo kale, waxaan abaal gud dallacaad u siiyey, tiro yar oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Qaranka, kuwaasoo dallacaadan ku mutaystay hawlkarnimo, daacadnimo, iyo dedaalkii ay ka muujiyeen, hawlgalladii nabadaynta iyo dhex-dhexaadinta, rabashadihii ka dhacay Ceel-afweyn, Sin-carro, Dhumay iyo Daba-taag.”

“waxa sharaf ii ah, in aan si weyn u hambalyeeyo Ciidammada laga qarameeyey, Deegaammada Sool iyo Sanaag Bari, mujaahidiintaas oo xaqiijyey guulo wax ku ool ah. Waxaan ugu bushaaraynaya geesiyaashaa iyo daraawiishtaa Ciidanka Qaranka ka tirsan, in ay naga go’an tahay in aannu deg deg u tayeyno, isla markaana aannu xurmo iyo xuquuq buuxda siin doonno. Ugu dambayn, waxaan dhammaan Ciidammada Qaranka farayaa, in ay heegan buuxa galaan, isla markaana u diyaar garoobaan, ka qayb galka gurmaka iyo gargaarka loo fidinayo dadkooda abaaruhu tabaaleeyeen.”ayuu yidhi.

Sidoo kale, waxa goboladda ka dhacay dabaaldega xuska aasaaska ciidanka Militariga oo ciidamadaasi ku sameeyeen xarumahooga.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.