4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 2 , 2017
Maxkamada cadaallada ICJ oo aqbashay dalabkii Soomaaliya

 

Khamiis, Feberaayo, 02, 2017 (HOL) - Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ICJ ee fadhigeedu yahay magaalada Hague, ayaa aqbashay inay dhageysato dacwadda Soomaaliya ay gudbisay ee ku saabsan muranka badda ee Soomaaliya iyo kenya u dhaxeeysa.

Soomaaliya ayaa horay ugu gacan seyrtay soo jeedintii Kenya ee ahayd in heshiiska Is-afgaradka uu yahay mid suurtagelin karta inay labada dal ku heshiiyaan xadeynta badda.

Intii uu dhageysiga socday, waxaa soo baxday in labada dhinac ay si weyn ugu kala aragti duwan yihiin ujeedada laga lahaa Is-afgaradkaasi.

Ugu danbeyntii, labada dalba waxay sheeganayaan lahaanshaha dhul badeed bedkiisu uu gaarayo 142 kun oo km oo labo jibbaaran, waxayna sidaasi darteed Soomaaliya ka dalbatay maxkamadda inay xadeyso xaduudda badda ee labada dal si waafaqsan xeerarka caalamiga ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]