4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 2 , 2017
Nuxurka khudbadihiii musharixiinta qaarkood ay ka jeediyeen xarunta gollaha shacabka

Khamiis, Feberaayo, 02, 2017 (HOL) - Waxaa maanta khudbadahooda ka hor jeediyay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ilaa 7 musharax oo ka mid ah 24 musharax ee u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, waxaana ugu horeyn khudbadaha bilaabay Sakariye Max’uud Xaaji Cabdi.

Zakariye Maxamud ayaa ugu horeyn sheegay in uu xoogga saari doono Amniga, Midnimada, Muwaadinnimada iyo dhismaha dowlad casri ah.

Musharax Sakariye waxaa uu sidoo kale ka hadlay in uu ku dadaali doono dhismaha ciidanka, dastuur tayo, cilmi iyo Tecknoljiyad, isagoo hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in dowlada Itoobiya iyo Kenya uu sheegay in ay faragelin ku hayaan Soomaaliya, balse sida uu hadalka u dhigay aysan jabin karin umadda Soomaaliyeed, marka laga reebo ayuu yiri in ay lugooyo wadaan.

Sakariye ayaa yiri musharixiinta waxaa ay isugu jiraa saddex qeybood oo kala ah’’ Idooro aan ku dilee’’ Idooro aan ku dayaceen’’ iyo Idooro aan ku daryeelle, isaga oo sheegay in uu ka mid yahay qeybta danbe ee ah [Idooro aan ku daryeellee]

Bashiir Raage Shiiraar 

Bashiir Raage Shiiraar ayaa isna goobta ka jeediyay hadal gaaban, Shiiraar waxaa uu ka hadlay dagaal ay isaga iyo hogaamiyayaal kale Muqdisho kula dagaallameen kooxo ugu yeeray waqtigaa gaalo balse sida uu sheegay hadda la ogaado cidda gaalada ah, waxaa uu Xildhibaannada ka codsadey in ay ku doortaan aqoonta waji iyo muuqaal ahaan ay u leeyihiin.

Bashiir Raage oo aan khubadiisa ku dheeraan ayaa sheegay in uu yahay shaqsi aan been badneyn, ka mid aheyd dadka is amaana, islamarkaana ay ka daacad tahay sida uu u hadalayo wax badanna dalka ka badali doono haddii la doorto.

Jabriil Ibraahim C/dulle

Jibril Ibrhaim Cabdulle oo sidoo kale xildhibaannada labada aqal ka hor Hadley waxaa uu ku dheeraaday barnaamijkiisa siyaasadda isagoo ka Hadley amniga, cadaaladda, dib u heshiisiinta, ka hortagga musuqa, dhalinyarada, haweenka iyo xiriirka caalamiga ah.

Musharax Jabriil ayaa ku dheeraad sida uu u doonayo in haweenka iyo dhalinyarada ay kaalin uga lahaadaan dowladda, in cadaalad la helo oo la dhiso guddiyo iyo maxkamad dastuuri ah.

Dhinaca amniga waxaa uu sheegey in uu wada shaqeyn fiican la yeelan doono dowlad goballeedyada iyo beelaha Soomaaliyeed isagoo ballan-qaadey in uu la dagaali doono musuqa, kuna dadaali doono dowlad wanaagga.

Waxaa uu sheegay in uu  xallin doono arrinta Somalia iyo Somaliland , kana shaqeyn doono  sidii Soomaaliya xiriir ula yeelan laheyd dowladaha caalamka.

Ugu danbeyntii, waxaa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in xildhibaannada uu ka codsanayo in ay doortaan, madama uu yahay qof Ugub yahay madaama ayuu yiri Curadkii lagu fashilmay.

Xassan Sheekh Max’uud

Xassan Sheekh Max’uud ayaa inta badan khubadiisa ku qaatay in uu wax badan qabtay mudadii uu afarta sanno aheyd ee uu xilka hayay, gaar ahaan lixdii tiir ee uu ballanqaaday markii uu xilka la wareegay.

Wax yaabaha ay dowladdiisa ku guuleysatay mudadii afarta sanno aheyd ayuu sheegay in ay ka mid ahaayeen amniga iyo hormarinta dowladnimada iyo soo celinta xiriirkii caalamiga ah, isaga oo sidoo kale sheegay in dowladdiisa ku guuleysatay dhameystirka nidaamka federaaliisamka,inta dhimanna la dhameystirayo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in sidoo kale marar badan dowladiisu sameysay isku day ah in la xaliyo tabashada Soomaaliland arintaana meel wanaagsan mareyso.

Arimaha u baahan dhameystirka ayuu ku sheegay xasilinta dalka iyo Nabad Geliyada,waxaana uu sheegay in la furan doono Meelaha ku haray gacanta Al-shabaab.

Waxaa uu ugu danbeyntii sheegay in uu dhameystiri doono dhismaha siyaasadda Qaranka si loo gaaro 2020ka doorasho qof iyo cod ah.

Shariif Sheekh Axmed

Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in ayaa ku furay khubadiisa uu wax ka qabanayo amniga oo sida uu hadalka u dhigay ah qodob muhiim ah.

Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale sheegay in uu diyaarin doono ciidamo la wareega amniga Soomaaliya oo ka kala imaanaya gobolada iyo degmooyinka islamarkaana ay hogaaminayaan saraakiil dhalinyaro ah oo weliba Aqoon leh.

Waxaa kale oo uu sheegay in ciidamada hadda jooga iyagana lagu sameyn doono isku dhaf,waxaaa uu rajeeyay in ay ammaanka sugi doonaan.

Sheekh Shariif ayaa sheegay 2018 ay ammaanka la wareegi doonaan ciidamada isku dhafkaa ee la sameynayo.

Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale sheegay in qorshihiisa aysan ka marneyn dib u heshiisiin si loo helo nabad iyo xasiloon,iyadoo uu sheegay in Soomaaliya aysan helin wax dib u heeshiisiin ah ,waxaana uu xusay in dib u heshiisiin dhab ah maanta loo baahan yahay.

Shariif ayaa sheegay in la joogo xiligii Soomaaliya ay midoobi laheyd, iyadoo uu xusay in dowladiisu ay hormarin doonto.

Dhinaca kale Garsoorka ayuu sheegay in ay Habacsanaan uu ka jiro,waxaana uu tilaamay in uu wax ka qaban doono garsoorka Sare -na loo qaadi doono weliba asagoo madaxbanana, waxaana uu xusay garsoorku noqon doono mid  caddaalad ku dhisan.

Dhinca dastuurka ayuu sheegay in uu wax badan ka qaban doono islamarkaana uu keeni doono Sharuuc lagu hagayo nidaamka federaalka ee Soomaaliya ay qaadatay,waxaana uu xusay in ay dastuurka uu dib u degis ku sameyn doono.

Ugu danbeyntii, arimaha bulshada ayuu sheegay Sheekh Shariif in Xuumaddiisu ay wax badan ka qaban doonto, islamarkana uu sixi doono haddii uu jiray qaladaad uu horay u gallay.

Saciid C/llaahi Dani

Musharax Saciid C/llaahi Dane oo ka mid ah musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha ayaa sheegay in uusan rabin soo jeedinta sida uu hadalka u dhigay qodobo ay tahay in ay wax ka qabato xukuumada uu dhisi doono, hasse ahaatee uu rabo oo kaliya in uu xoogga saaro dhinaca sharciga.

Musharaxa ayaa khubadiisa xoogga ku saaray arimaha dhaqaalaha, cadaallada, sharciga iyo waliba hagaajinta xiriirka u dhaxeeya lamaha dowladda, isaga oo ballanqaaday haddii uu ku guuleysto xilkan uu u adeego doono si daacad ah, madaama sida uu hadalka u dhigay uu yahay shaqsi aqoonyahan ah oo waxbadanna ka garanaya hogaaminta iyo nidaamka dowlliga ah.

Dr Saciid Ciise Max'uud

Musharax Dr Ciise Max'uud oo hadal ka jeediyay xarunta ayaa khubadiisa xoogga ku saaray arimaha nolasha bulshada taabanaya,isaga oo sheegay in uu yahay qof siweyn dadka u kala garanaya islamarkaana socdaal ku maray deegaanno ballaaran oo ka mid ah dalka.

Waxaana uu ka codsay xildhibaannada in ay codkooda siiyaan, isaga oo balanqaaday in uu wax badan ka qaban doono guud ahaanba arimaha bulshada, waxaana uu rajo badan ka muujiyay Soomaaliya oo ka wanaagsan sida ay hadda  tahay islamarkaana wada guuleysatay.

Waxaa muuqata in musharixiintii maanta hadashay oo idil ka sinnaayeen arimo dhowr ah sida wax ka qabashada amniga iyo cadaallada oo musharax walba ay qeyb ka mid ah khubadiisa taabaneysay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]