4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 2 , 2017
Dib u dhac ku yimid doorashada Kursigii aqalka hoose ee Jubaland ee ku celiska ahaa
 
Khamiis, Feberaayo, 02, 2017 (HOL) – Kursiga aqalka hoose ee baarlamanka dalka Soomaaliya ee ku celiska ahaa ee saaka ay dooorashadiisu dib uga furantay Kismaayo ayaa waxaa ku yimid dib u dhac, ayadoo aan la shaacin waqtiga doorashada kursiga la qaban doono.

Xubnaha kursigan ku tartamayay oo kala ahaa Wasiirka macdanta iyo Batroolka dowladda Soomaaliya Mudane Max’ed Mukhtaar Ibraahim iyo Xildhibaan Hore C/laahi Max’ed Aadan (Shaacir) ayaa isku mari waayay labadii wareeg ee ugu horeeyay.

Wareeggii labaad markii uu soo dhamaaday ayay gudigu shaaciyeen in min 24 cod ay kala heleen 3-codna ay halaabeen, waxay sidoo kale gudigu sheegeen in loo gudbi doono wareegga sedexaad.

Balse inta aan wareeggii sedexaad la aadin ayaa waxaa furmay kulamo gooni gooni ah oo ay lahaayeen gudiyada heer dowlad goboleed, heer federaal iyo korjoogtadii ka socotay Qaramada Midoobay, kuwaa oo saxaafaddu dibad joog ka ahayd.

Kulamada markii ay soo idlaadeen ayaa waxaa warbaahinta loo sheegay in kursiga doorashadiisa dib loo qaban doono, balse masuuliyiintii gudigu waxay ka gaabsadeen in ay wax faahfaahin ah ka bixiyaan sababaha ay u baaqatay doorashada.

Warar hoose oo ay HOL heleeyso ayaa tibaaxaya in khilaaf ku saabsan kursigan uu ka dhex taaganyahay gudiyada heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

Gudoomiye ku xigeenka gudiga doorashooyinka dadban ee dowlad goboleedka Jubaland Maxamuud Xasan (Obaama) oo ay shabakadda HOL wax ka weeydiisay arrintan ayaa ka gaabsaday in uu wax faahfaahin ah ka bixiyo.

Wasiir Max'ed Mukhtaar Ibraahim ayaa ahaa musharax ay gudiga heer dowlad goboleed iyo kan federaalka ee doorashooyinka dadban ay hore ugu diideen in uu u tartamo kursigaasi, ayagoo ku eedeeynayay musuqmaasuq, balse gudiga xallinta Khilaafaadka ayaa dib usoo celiyay, soona saaray go'aan ay ku dalbanayeen in kursigaasi dib doorasho loogu celiyo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.