4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 2 , 2017
Guddiga nabad-galyada gobolka Sool oo ka hadlay falal ammaan darro oo dhacay

Khamiis, Feberaayo, 02, 2017 (HOL) -Laba shil ayaa ka dhacay gobolka Sool mid sadexnin ayaa lagu dhaawacay magaalada midna hawd ayuu ka dhacay oo laba beelood oo khilaaf ka dhexeeyey ayaa nin ku dhintay nina ku dhaawacmay" sidaa waxaa yidhi gudoomiyaha Gobolka Sool Cabdi Khayre Dirrir oo warsaxaafadeed ku qabtay xarunta gobolka.

Gudoomiyu waxa uu si aad ah ugu dheeraaday dhibaatooyin mudooyinkii danbe ku soo noqnoqnay, waxaanu ka xusay labadii u danbeeyey oo uu sheegay dabley hubaysan oo laba rag ah iyo haweeney ku dhaawacmeen iyo nin lagu diley halka lagu dhaawacay mid kale Dabdheer oo 70KM ku dhowaad galbeed Laascaanood kaga aadan.

"Tuugu marka uu jabsanayo gurigaaga kuma soo ogaysiinayo tanina arinta qolyahani waa sidaas oo kale, oo marka ay wax dilayaan jaanis ayay eeganayaan, waxaana meesha ka maqan shacabkii soo sheegi lahaa" ayuu yidhi Khayre maruu difaacayey su'aal la weydiiyey dayacaada ciidanka booliska.

Falka ka dhacay magaalada Laascaanood ayaa Taliyaha Ciidanka Booliska oo ka hadlaayey falalkan ayaa ku sheegay in kooxo loo malaynayo dhalinta qaldan sida uu hadalka u sheegay oo ahaa Laba dhalinyaro ah buu yidhi oo Bistoolado ku hubaysan.

 "Ciidanku hawlagal bay ku jiraan, dad laga shakiyeyna waa hayaan qaar kalena waa baadigoobayaan waxaana dadaal ugu jiraa sidii arintan iyo kuwa kale ee la midka ah wax uga qaban lahayn, shacabkaana laga rabaa inay nala shaqeeyaan" ayuu yidhi Ibraahin Jaamac Daad Taliyaha ciidanka Booliska Gobolka Sool.

Ugu danbeyntii, hadal haynta dhacdooyinka sida aadka ah u waxyeelaynaya amaanka gobolka Sool.

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood G Sool