4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 2 , 2017
Kismaayo oo ay ka socoto doorashada Xubin Baarlaman oo uu soo celiyay guddiga xallinta khilaafaadka

Khamiis, Feberaayo, 02, 2017 (HOL) – Hoolka Daawad ee magaalada Kismaayo oo ah halkii ay ka dhaceen doorashooyinkii xubnaha aqalka hoose ee dowlad goboleedka Jubaland u matalaya baarlamanka dalka ayaa saaka lagu qabtay doorashada kursigii ay soo celiyeen guddiga heer federaalka ee xallinta khilaafaadka.

Xubnaha tartamayay ayaa kala ah Wasiirka macdanta iyo Batroolka dowladda Soomaaliya Mudane Max’ed Mukhtaar Ibraahim iyo Xildhibaan Hore C/laahi Max’ed Aadan (Shaacir) oo ay gudigu dib usoo celiyeen doorashadiisa.

Laba musharax ayaa ku sugan hoolka waxaana doorashadu codkooda ka dhiibanayay ergo gaareeysa 51 oo mataleeysa beesha ay kasoo jeedaan labada musharax.

Hoolka ayay haatan ka socotaa doorashada, ayadoo musharixiintu ay isku mari waayeen wareeggii 1-aad kadib markii ay kala heleen codad min 24- ah, waxaana gudigu sheegeen in sedex cod ay xumaadeen.

Wareeggii labaad ayaa biloowday, natiijadana dib ayaan idinka soo gudbin doonnaa.

Faahfaahin Kursiga la soo celiyay

Gudiga dowlad goboleedka Jubaland ee hirgelinta doorashooyinka dadban ayaa19 Nofeembar, 2016 warqad ay soo saareen tartanka doorasho uga joojiyay wasiirka macdanta iyo batroolka dowladda Soomaaliya Mudane Max’ed Mukhtaar Ibraahim, ayagoo ku eedeeyay in uu laaluushay ergadii wax dooraneeysa.

Xildhibaan hore C/laahi Max’ed Aadan (Shaacir) ayaa 23 Nofeembar ee 2016 ku guuleystay in uu kamid noqdo xubnaha aqalka hoose ee baarlamanka dalka, kadib markii uu ka guuleystay C/raxmaan Ibraahim Xayle oo la tartamayay, balse natiijadaasi waxaa laalay gudiga heer federaal ee xallinta khilaafaadka.

Warqad Taariikhdu markay ahayd 14 Dec, 2016 kasoo baxday gudiga madaxa bannaan ee xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ee dalka ayaa lagu shaaciyay in 11 kursi oo kamid ah kuraasta lagu soo doortay qaar kamid ah dowlad goboleedyada dalka, kadib baaritaanno ay sheegeen in ay ku sameeyeen hannaanka lagu soo doortay kuraastaasi ay ku heleen musuqmaasuq, waxayna xuseen in dib doorasho loogu celin doono.

Jubaland iyo Galmudug ayay gudigu soo celiyeen min hal kursi, Puntland iyo Hirshabeelle min laba kursi ayay gudigu soo celiyeen, halka Koonfur Galbeedna ay soo celiyeen ilaa afar Kursi, kuwaa oo ay xuseen in dhammaantood dib doorasho loogu celin doono.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.