4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 2 , 2017
Khudbadihii musharixiinta xilka madaxweynaha oo goor dhaw bilaabatay

 Khamiis, Feberaayo, 02, 2017 (HOL) – Waxaa goor dhaw ka bilaabatay xarunta gollaha shacabka khudbadihii musharixiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Illaa Siddeed musharax ayaa lagu waday maanta in ay khudbahooda ay ka horjeediyaan baarlamaanka, balse 7 musharax ayaa ku sugan xarunta, halka musharaxa siddeedaa uu maqan yahay oo uu soo cudur taartay sida uu sheegay guddoomiyaha golaha shacabka Prof Jawaari.

Waxaa khudbadahooda ilaa iyo hadda jeediyay Sakariye Max'uud Xaaji, Bashiir Raage Shiraar iyo Jabriil Ibraahim Cabdulle.

Musharixiinta kale ayaa lagu wadaa in ay goor dhaw khudbadahooda jeediyaan, musharax walbana waxaa uu leeyahay 30 daqiiqo oo kaliya.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]