4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 2 , 2017
Haween waayeel ah oo lagu kufsaday MPLS MINNESOTA


Sawirrada kulanka wacyigelinta


Khamiis, Feberaayo, 02, 2017 (HOL) -Magaaladda Minneapolis Xaafadaha ay Soomaalidu ku badan yihiin ee ku taal Koofurta ayaa bishii Janaayo maalintay 3 ahayd Sanadkan waxaa dhacay in nin lagu magaacabo Stephen Blanks oo 33 Jir ah, una dhashay Maraykanka Madoow uu dhac iyo kufsi u gaystay Haween Soomaaliyeed isagoo dhibka ka gaystay labo Xaafadood oo kala duwan oo kala ah Vantura Villege iyo Cedar Riverside.

Haweenkaan dhaca iyo Kufsiga loo gaystay ayaa loogu galay guryahooda, iyadoo dhammaantood lagu sheegay da’ ka wayn 70 jiro taas oo wax lala yaaba ku noqotay dadka dagan Minneapolis.

Hadaba iyadoo danbiilahaa dhibka gaystay mudo lagu dabo jiray ayaa ugu danbeyn la soo qabtay maalmihii la soo dhaafay, waxaana shalay lagu maxkamadeeyay Magaaladda Minneapolis.

Isla shalay ayeey kulan wacyi galin ah u qabteen Booliiska Minneapolis dadwaynaha dagan xaafada Cedar Riverside, iyagoo uga warbaxiyey sida ay wax u dhaceen iyo ugu danbeyntii in la soo qabtay danbiilaha.

Labada Sarkaal ee danbigaan mudada baaraayay oo kala ah sergeant Grove iyo sergeant Ali ayaa warbixin siiyay dadka dagan xaafadahaa, iyagoo beeniyey war ay mudo isla dhex marayeen Soomaalida Minnesota ee ahaa in danbiiluhu uu dagan yahay isla guryahaa, warkaa oo ay ku sheegeen wax kama jiraan, ayagoo faray dadka in ay digtoonaadaan hadii ay wax qatar galinaya arkaanna ay la soo xiriiraan Booliiska ayagoo wacaya lambarka caawinta deg-degga ah ee 911.

Haweenka la kufsaday labo iyo mid inta ay yihiin Booliisku ma cadayn, lakiin dadku waxay sheegayaan in ay yihiin laba haween oo waayeelo ah.

Farxiya Khaliif oo ah madaxa Ururka Voice of East African Women ayaa aad u dhaleecaysay arintan , iyadoo sheegtay in loo baahanyahay in  haweenku aysan marnaba ka aamusin ama aysan qarin hadii arimahan la soo gudboonaadaan, waxay hadalkeeda raaciyay, "Waxaan ku farxsanahay in maanta qofka danbiilaha ah uusan Soomaali ahayn, lakiin hadii uu ahaan lahaa waxaa mar hore lagu soo daabici lahaa Warbaahinta."

"Dadka ma haystaan wacyi galin danbiyada ku saabsan, haweenka dagan halkaana nidaamka ma fahansana waxaa la jaray dhaqaalahii lagu ilaalin jiray oo guryaha qaar waardiye ma laha, mana celinkaraan qof dhismaha soo galaya,"  waxaa sidaa tiri Deeqo Yaasiin oo ka mida dadka dagan xaafada dhibtu ka dhacday.

Dacwadda danbiilaha ayaa wali socota wixii war ee ka soo baxana haduu Eebbe ogolaado dib ayaan idin kala soo socod siin doonnaa.

Siyad Said Salah
Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis,MN