4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 2 , 2017
Guddiga qabanqaabada doorashada madaxweynaha oo sheegay in la qabanayo dooddii musharixiinta

Khamiis, Feberaayo, 02, 2017 (HOL) – Guddoomiyaha gudiga doorashada C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa mar kale sheegay in leysku afgartay in dib loo qabto dooddii musharixiinta xilka madaxweynaha, oo markii uu lagu dhawaaqay in gabi ahaanba la joojiyay.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in arintaa go’aankeeda gaareen gudiga doorashada madaxweynaha, madaama daruuftii markii hore loo baajiyay dooda laga baxay, islamarkaana Internet –kii xoogiisa uu soo laabtay.

‘’Waxaa nalagu qanciyay wada hadalo badan oo aan yeellanay kadib in Internet –kii sax yahay oo awoodiisii soo laabtay dooddiina loo baahan yahay in la qaban karo, sidaad ogtihiin markii aan jadwalka sameynay waxaan ku soo darnay maalmo dheeraad ah oo ay haddii ay wax soo baxaan lagu baxsan karo, sidaa daraadeed waxaan isku afgaranay in 06 bishan Feberaayo oo ku beegan Isniinta soo socta la qabto dooddii musharixiinta’’ ayuu yiri guddoomiyaha gudiga doorashada madaxweynaha.

Gudoomiyaha gudiga doorashada C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa horay u sheegay in gabi ahaanba jadwalka laga saaray qodobka ku saabsan doodda musharixiinta kadib markii leysku khilaafay, hasse ahaatee waxaa arintaa ku gacanseyray oo diiday musharixiinta xilka madaxweynaha oo sheegay in guddigu awood gaar ah u laheyn in uu badalo qodob ka mid ah jadwalka doorashada.

Ugu danbeyntii, waxaa muuqata in gudiga uu ku qancay soo jeedintii musharixiinta oo ku adkeystay in la qabto doodda kana soo qeyb-galaan warbaahinta madaxabanaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]