4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 2 , 2017
Dawlada Talyaaniga oo 200 oo milyan oo Euro ugu deeqday Afrika



Wasiirka amuuraha dibada ee Talyaaniga Angelino Alfano


Khamiis, Febraayo 02, 2017 [HOL]-Dawlada Talyaaniga ayaa 200 oo milyan oo Euro ugu deeqday Afrika si dalalka qaaradaan Afrika ay ula dagaalamaan tahriibka.

Shalay Arbacadii ayaa lacagtaa ay ku yaboohday inay durba siinayso qaarada dawlada dalkaasi Talyaaniga. Gaar ahaan dhowr dal ayaa deeqdaa loogu talo galay.

Lacagtaa ayaa waxaa la doonayaa in wax looga qabto nafafyaalka had iyo jeer ku go'a badda Mediterranean-ka ee u dhexeysa qaarada Afrika iyo Talyaaniga.

Qarashkaa ayaa waxaa la doonayaa in dalalkaasi ku celiyaan dadka qaaradaan Afrika inay ka tagaan dalalkooda.

Ciidamada ammaanka ayaa lagu taageerayaa lacagtaa si ay dadka u celiyaan oo naftooda aysan u haligin.

'Waxaa lacagtaa lagu taageerayaa dadaalada ka dhanka ah isxambaarka iyo hijrada geyru sharciga ah'. Sidaa waxaa yiri wasiirka amuuraha dibada ee Talyaaniga Angelino Alfano.

Dalalka qarashkaa lasiinayo ayaa waxaa ku jira Niger, Liibiya iyo Tunisia.

Hayada socdaalka ee IOM ayaa sanadkii 2016 oo qura sheegtay in dadka ku dhintay badda Mediterranean-ka ay tiradoodu sare u dhaaftay 5 kun oo qof. 

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]