4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 2 , 2017
Maxkamada ICJ oo maanta go’aan ka gaareysa dacwada badda Soomaaliya iyo Kenya

Khamiis, Feberaayo, 02, 2017 (HOL) -- Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ayaa Maanta lagu Wadaa in ay ku dhawaaqdo go’aanka ay ka gaartay diidmada hordhaca ah ee Kenya ee ku saabsan dacwadda Soomaaliya ay ku dalbeyso in la cayimo soohdinta badeed ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Sida Soomaaliya ay dooneyso, haddii ay Maxkamaddu go’aan ku gaarto in ay dacwaddan hadda gasho waxay noqon doontaa in Kenya la siiyo wakhti ay ku diyaariso waxa ay isaga daafaceyso kiiska ay Soomaaliya ku oogtay Kenya.

Wafdi  ka socda dowladda Soomaaliya  oo uu hoggaaminayo xeer ialaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir,  Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Brussels, Dr. Cali Faqi  wakiilka Soomaaliya ee dacwadda ayna wehliyaan Danjirayaal dhowr ah iyo Muna Sharmaan oo ah Qareen Soomaaliyeed oo dacwaddan billowgeedii ilaa iyo hadda gacanta ku haysa sumcadna uga kasbatay Soomaali badan.

Galabta saacaddu marka ay tahay 5-ta Galabnimo wakhtiga Soomaaliya ayaa Guddoomiyaha Maxkamadda ICJ, Ronny Abraham, uu ku dhawaaqi doonaa go’aanka Maxkamadda.
Soomaaliya ayaa dacwadda u gudbisay Maxkamadda ICJ sannadkii 2014. Kenya waxay iyaduna Maxkamadda u gudbisay diidmo ay dooneyso in ay Maxkamadda ka hor istaagto in ay qaaddo dacwadda.

Ugu danbeyntii, Badda ay isku haystaan Soomaaliya iyo Kenya ayaa bedkeedu yahay 142,000 km oo laba jibbaaran, Waxaana la rumeysan yahay aagga badweynta India ee ay Soomaaliya iyo Kenya ay lahaashaheeda ku muransan yihiin in uu ku jiro kheyraad badan oo dabiici ah oo uu ka mid yahay shidaal.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]