4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 2 , 2017
Dabley weerartay saldhig boolis, deegaanka Carabiyah ee Mandheera

Khamiis, Febraayo 02, 2017 [HOL]-Dabley  ayaa xalay weerartay saldhig boolis oo ku yaala deegaanka Carabiyah ee Mandheera.

Tiro aan la ogeyn inta ay dhan tahay oo booliska Kenya ah ayaa ku dhintay weerarkaa oo laga shakiyay in dableyda soo qaaday ay ka tirsan tahay xarakada al-Shabaab.  Xeradaa ayaa waxaa leh booliska waaxda maamulka (AP) .

Weerarkaa ayaa dhacay xalay abbaare 1dii iyo 25 daqiiqo. Eric Oronyi wuxuu ka tirsan yahay maamulka Lafey oo Carabiya ay dhacdo isla degmadaasi Mandheera.

Wuxuu warbaahinta u sheegay in tiro dabley ah oo aan heybteeda la garan ay soo weerartay halkaa.

Waxaa wararku sheegayaan inay dableydaasi burburisay anteeno ay leedahay shirkada adeegga taleefanada ee Safaricom oo ku taalay Koror Farar meesha lagu magacaabo weerarka kadib abbaare sagaalkii saac ee habeynimo.

Sidaa darteed xiriirka ayaa go'ay halkaa. Saaka ayaa waxaa wararku sheegayaan in ciidamada KDF ay gaareen deegaankaasi weerarku ka dhacay.

Weerarkaan ayaa yimid asbuuc kadib markii xarakada al-Shabaab ay weerar ku qaaday xero ciidamada Kenya ee AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Kulbiyow, Jubada Hoose, Soomaaliya.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Nairobi Kenya
[email protected]