4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 2 , 2017
Dagaal ciidamada Puntland iyo kooxo hubeysan xalay ku dhaxmaray magaalada Boosaaso

 Khamiis, Feberaayo, 02, 2017 (HOL) -Inta la og-yahay labo ruux oo shacab ahaa ku dhintay laba kale oo ka tirsan ciidamada Puntland-na dhaawac ayaa soo gaaray, kadib marki kooxo hubeysan ay weerareen xalay sagaalkii fiidnimo Bar koontarool oo ku taala dhinaca koofureed ee magaalada Boosaaso.

Dad ku sugan Boosaaso ayaa VOA-da u sheegay in ay maqleen rasaas culus oo ay is weydaarasanayeen kooxaha weerarka soo qaaday iyo ciidamadii ku sugnaa Bartakoontarool ee la weeraray.

Saraakiisha maamulka Puntland oo ay VOA la xariirtay ayaa shegay in ay baxsadeen raggii weerarkaasi geystey oo ay saraakiishu sheegeen in qaar ka mid ah la dhaawacay.

Dilal qorsheysan iyo weeraro gaadma ah ayaa maalmihi dhawaa ka dhacay Boosaaso, waxaa intooda badan sheegtay koox sheegatay ineey xiriir la leeyihiin kooxda Daacish.

Maalintii shalay ayeey aheyd markii uu soo baxay warka ku saabsan in deegaanka Karin oo ka mid ah gobolka Bari lagu arkay saddex ruux oo la gowrcay oo loo maleynayo in ay ka tirsanaayeen shan ruux oo todobaadkii hore ay qafaasheen maleeshiyaad la tuhusan yahay in ay ka tirsan yihiin kooxda uu hogaamiyo Sheekh C/qaadir Muumin ee sheegta in ay ka tirsan yihiin kooxda Daacish.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]