4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 2 , 2017
Hogaamiyihii mucaaradka Congo oo geeriyooday

 Khamiis, Janaayo, 02, 2017 (HOL) - Hogaamiyihii mucaadka dalka Congo Etienne Tshisekedi ayaa geeriyooday xilli uu baaritaan caafimaad u tagay magaalada Brussels ee dalka Biljimka.

Tshiseked oo ahaa 84-jir ayaa dhimashadiisa waxaa xaqiijiyey xisbigiisa UDSP. Wuxuu xisbigan siyaasadeed aas aasay sanadki 1982-kii, oo uu ku mucaaraday kaligii taliyihii hore ee dalkaasi Mobutu Sese Seko, kaasoo muddo dheer soo xakumayey dalka Kongo oo barigaasi loogu yeeri jiray Zaire.

Shisekedi oo marar kale duwan ra’isulwasaare u soo noqday madaxweyne Mobutu Sese Seko ayaa in mudda ahba ku noolaa dalka dibadiisa ka hor inta uusan dib ugu laaban Conggo bishii July ee sanadki hore.

Ugu danbeyntii, geerida hogaamiyaha ayaa hadda ku soo aaday xilli uu waqti adag ku jiro dalka Congo oo ay mucaaradku ku riixayaan madaxweyne Joseph Kabila inuu iscasilo kadib marki ay ku eedeeyeen inuu doorashadii dalkaasi ka dhacday musuq-maasuqay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]