4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 1 , 2017
Mid ka mid xaafaddaha Beledweyne oo laga qaaday xayiraad mudo afar bilood ah saarneyd

Arbaco, Feberaayo, 01, 2017 (HOL) – Maamulka gobolka Hiiraan ayaa soo afjaray xayiraad ama bandow ku dhawaad afar bilood lagu hayay dadka ku dhaqan xaafadda Buundoweyn gaar ahaan laanta Isbartiibo ee magaalada Beledweyne, kadib markii xaafadda sanadkii hore kooxo hubeysan ku toogteen labo askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda.

Dadka ku dhaqan xafadda oo dhibaato xoog leh arinta ku qabay ayaa siweyn u soo dhaweeyay go’aanka uu qaatay maamulka oo sheegay in wixii hadda ka danbeeyay la geynayo xaafadda Buundoweyn ciidamo booliis ah oo amniga suga.

Taliyaha qeybta booliiska gobolka Hiiraan Col Isaaq Cali Cabdulle ayaa sheegay in beeniyay in bandow uu saarnaa xafadaas marka laga reebo ayuu yiri ciidamo howlgal ka sameeya.

‘’Xaafada Buundoweyn wax bandow ah oo saarnaa ma jirin, laakiin kadib markii ay dhowr mar  falal amniga ka dhan ah ka dhaceen ayeey ciidamada bilaabeen in ay howlgal joogta ah ka sameeyaan, dadkana markii ay arkaan ciidamada ayeey guryahooda isaga xaroodaan, marka bandow xaafadaa gaar u ahaa ma jirin’’ ayuu yiri taliyaha.

Waxaa uu sheegay taliyaha in markii hore amniga xaafadda Buundoweyn ilaalin jireen ciidamo militari ah, laakiin hadda lagu soo wareejiyay nabad-galyada xaafaddaasy ciidamada booliiska gobolka Hiiraan.

Ugu danbeyntii, dadka rayidka ah ayaa sheegay in mudadii ay xayiraada saarneyd dhibaato weyn oo dhinaca nolasha ah ku qabeen, gaar ahaan ganacsiga  xiliyada habeenkii oo ay saameyn weyn ku yeelatay arintan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]