Guddoomiyaha Guurtidda“Xisbiyaddu talo soo jeediyeen, taladoodana waa la tixgalinayaa”
Arbaco,Febraayo
,1 , 2017 (HOL) – Gudoomiyaha golaha Guurtidda Somaliland, Saleebaan Maxamuud
Aadan ayaa sheegay inuu tixgalin doonaan soo jeedinta xisbiyadda ee mudadda
lixda bilood ee ay isku afgarteen in doorashadda dib loogu dhigo.
Gudoomiyaha
golaha Guurtidda Saleebaan Maxamuud Aadan oo doraad wadanka yimid ayaa sheegay
haddii abaartu jabto in doorashadda la gali doonno.
“Abaartu
haddii ay jabto doorashadda waa la galayaa, haddii ay jabi waydo ilaahay ha
inaga jabiyee, waxba inaga hadhi maayaanne haddii roob fiicani da’o waa laga
gaadhsiin karaa,”ayuu yidhi Saleebaan Maxamuud Aadan oo wax laga waydiiyey
wakhtida lagu waddo inay doorashaddu dhacdo.
Mar
wax laga waydiiyey soo jeedintii xisbiyadda inay ku raacsan yihiin iyo in kale,
waxa uu yidhi “Xisbiyaddu talo soo jeediyeen, taladoodiina waa la tixgalinayaa,
dee ha la gaadho,”
Ugu
danbeyntii, inkastoo su’aalo dhowr ah la weydiiyay hadana gudoomiyaha golaha
guurtiddu si kooban ayuu uga jawaabayey.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland