4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 1 , 2017
Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-shabaab oo lagu dilay gobolka Mudug

 Arbaco, Feberaayo, 01, 2017 (HOL) – ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug aya lagu waramayaa howlgal ay ka fuliyeen deegaano hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ku dileen horjooge sare oo ka tirsanaa Al-shabaab.

Shaqsiga ay ciidamada dileen ayaa lagu sheegay in uu ahaa madaxii maaliyada u qaabilsanaa ururka ee gobollada dhexe, kaasoo magaciisa lagu soo kooban Carab.

Saadiq Cumar Xassan oo ah taliyaha nabad-sugida Galmudug ayaa warbaahinta gudaha u sheegay ciidamada nabad-sugida ku dileen sarkaalkan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Taliyaha wax faah-faahin ah oo kale kama bixin dilka sargaalka ka tirsanaa Al-shabaab ee lagu dilay Xarardheere.

Marka laga soo tago sheegashada Galmudug dhinaca kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Al-shabaab.

Todobaadkii hore ayeey aheyd markii sidan oo kale ciidamado ka tirsan dowladda Soomaaliya ku dileen gobolka Gedo horjooge sare oo ka tirsanaa Al-shabaab laguna magacaabi jiray C/llaahi Qannaas.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]