4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 1 , 2017
Dr Beyle'' Ma'aha arin sax ah eedeynta ah gudiga xaq uma laha joojinta doodda musharixiinta

 Arbaco, Feberaayo, 01, 2017 (HOL) – Guddoomiyaha gudiga qabanqaabada doorashada madaxweynaha Dr C/raxmaan Ducaale Beyle oo u waramay Hiiraan Online ayaa ka hadlay joojintii gudiga ee dooddii musharixiinta.

Waxaa uu sheegay  marnaba arin sax ah aheyn  eedeynta ah in guddiga doorashada xaq u laheyn joojinta doodda musharixiinta '''''Arinta ku saabsan doodda markii horeba ma'aheyn arin sharci ah oo dastuur ah, kaliya waxaa ay aheyd arin musharixiintu ay ku soo bandhigayeen figradahooda, musharixiinta ayaa markii ay goobta yimaadeen isaga baxay iyaga oo ka cabanayay xaalad gaar ah oo markaa taagneyd'' ayuu yiri guddoomiyaha gudiga doorashada. 

Waxaa sheegay in ay sax tahay in arintan aheyd soo jeedin ka timid baarlamaanka, laakiin haddana dhinaca kale waxaa uu intaa ku darray in la badali karo ama la joojin karo iyadoo aan ogolaasho looga heysan.

Dhinaca kale guddoomiyaha ayaa u xaqiijiyay HOL in guddoomiye ku-xigeenkii gudiga doorashada C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaan si iskii ah isku casilay ugana baxay xubinnimadii gudiga, kadib markii lagu eedeeyay in uu taageeray musharax gaar ah. 

Gollaha musharixiinta madaxweynaha oo kulan maalintii shalay ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay mas’uulkan in uu si toos ah ula saftay una taageeray mid ka mid ah musharixiinta xilka madaxweynaha, sidaa daraadeed waxaa ay codsadeen in laga saaro xubinnimada gudiga oo sida ay hadalka u dhigeen looga baahan yahay in ay dhaxdhaxaad ka noqdaan howlaha doorashada ee socda.

Ugu danbeyntii, maalinta beri ah ayaa lagu wadaa in xarunta gollaha shacabka ay ka bilaawdaan khubadaha musharixiinta, waxaana la dhageysan doonaan wax qabadkooda ilaa siddeed musharax sida ku cad jadwalka jeedinta khudbadaha musharixiinta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]