4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 1 , 2017
RW Sharma’arke’’ Dowladdaha dariska ayaa faragalin ku haya doorashada Soomaaliya

 Arbaco, Feberaayo, 01, 2017 (HOL) -- Ra’iisul Soomaaliya ahna musharax u taagan xilka madaxweynaha Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo goor dhaw shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arimo dhowr ah oo la xiriira doorashada .

Cumar C/rashiid ayaa sheegay in ay jiraan faragelin dowladaha dariska ay ku hayaan doorashada Soomaaliya,waxaana uu ugu baaqay Baarlamaanka in ay iska ilaaliyaan Faragelinta tooska ah ee wadamada dariska ay ku hayaan doorashada.

Waxaa uu sheegay in dalalka dariska ah  hadda faraha kula jira arrimaha doorashada iyo oo gacan siinaya musharax gaar ah.

''Waxaa jira culeysyo naga soo food saaraya wadamada dariska ah qaarkood oo musharax gaar ah u ol oleynaya, waxaan leenahay faragalinta naga daaya, umada Soomaaliyeed waa umad xor ah, ha loo daayo in ay aayahooda ka tashadaan.

Ra'iisal wasaare Sharma'arke ayaa sheegay in sidoo kale looga baahan yahay maamul gobolleedyada dalka in ay dhax dhaxaad ka noqdaan howlaha doorasho ee dalka ka socda.

'' Anniga oo aan rabin in aan arimaha hoos u sii dhaxgalo waxaa jirta hiilin iyo siyaasad gaar ah oo la leeyahay musharax gaar ah hala siiyo codka, taasna waxaa ay noqon kartaa meel ka dhac iyo xadgudub ayuu yiri'' ra'iisal wasaare Sharma'arke.

Xildhibaannada ayuu ugu baaqay in ay ka foojignadaan faragalinta kala duwan ee lagu hayo doorashada madaama ay u madaxbanaan yihiin go'aankooda.

Cumar C/rashiid Cali ayaa ka mid ah 24 Musharaxa oo u taagan doorashada xilka madaweynaha Soomaaliya ee la filayo in ay dhawaan dhacdo.

Ugu danbeyntii, musharixiinta la filayo in ay ku tartamayaa doorashada dhawaan ka dhici doonta dalka, ayaa qaarkood horay xilal uga soo qabtay dalka, halka kuwa kalana ay tahay markii ugu horeysay oo ay ka qeyb-gallaan doorashada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]