4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 1 , 2017
Dib u eegis lagu sameynayo nidaamka hay’addaha Cadaallada Soomaaliya

Arbaco, Feberaayo, 01, 2017 (HOL) –Ra’iisal wasaare ku-xigeenka xukuumada Soomaaliya Max’ed Cumar Carte ayaa kulan gaar ah la qaatay mas’uuliyiinta hay’adda cadaallada iyo garsoorka dowladda federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb-gallay wasiirka wasaarrada cadaallada, guddoomiyaha maxkamada sare xeer ilaaliye ku-xigeenka iyo saraakilsl ciidan oo ka tirsan hay’adda garsoorka dalka.

Siddoo kale mas’uuliyiintii shirka ka qeybgashay ayaa waxaa ka mid ahaa hogaanka maxkamada ciidamada qalabka sidan oo ka mid ah hay’addaha cadaalada iyo garsoorka dalka, waxaana looga wada hadlay sidii dib u eegis ballaaran loogu sameyn lahaa shaqdaha hay’addaha iyo sida ay u gutaan waajibaadka ka saaran garsoorka.

Kulanka ayaa sidoo kale looga wada hadlay sidii loo heli lahaa hay’adda garsoor oo si hufan ugu shaqeeya bulshada Soomaaliyeed iyo xoojinta wada shaqeynta u dhaxeysa laamaha kala gadisa ee cadaallada dalka.

‘’ Kulanka waxaa uu ahaa mid dib u eegis buuxda lagu sameynayay shaqada hay’addaha garsoorka iyo waliba sidii loo xoojin lahaa, dhamaan dhinacyadii ka soo qeybgallayna waa ay isla fahmeen qodobadii laga wada hadlay iyo dhaqan galintooda’’ ayuu yiri Cabdicsiis Cabdi Xaaji Goobdoon oo ah afhayeenka xukuumada.

Kulanka ayaa imanaya xili loo diyaargaroobayo doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee dalka hogaamin doona afarta sano ee soo socta, taasoo lagu balansan yahay 8bishan Feberaayo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]