4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 1 , 2017
Xildhibaankii labaad oo ka mid ah shantii kursi ee horay loo celiyay oo maanta Baydhabo lagu dooranayo

Arbaco, Feberaayo, 01, 2017 (HOL) – Magaalada Baydhabo ayaa lagu wadaa in maanta ay ka dhacdo doorashada mid ka mid ah shantii kursi oo ay horay u laaleen gudiga xalinta khilaafaadka, gaar ahaan kursigii lagu celiyay maamulka K/galbeed.

Kursigan dib loo celiyay ayaa waxaa ku soo baxay Sheikh Shaacir Sheekh Maxamed oo ku guuleeystay cod aqlabiyad ah, waxaana la sheegay in guushaasi aheyd mid ku dhisan musuqmasuq iyo wax isdaba marin, taasoo keentay in uu ka mid noqdo shantii xubnood ee lagu celiyay dowlad gobolleedyada.

Haddii maanta Kursigaa la soo doorto waxaa uu noqonayaa kursigii labaad oo ka mid ah shantii xubnood ee la laalay islamarkaana dib loo soo doorto,waxaana shalay Puntland lagu doortay xildhibaankii horay loo diiday natiijadii uu ku soo baxay.

Gudiga doorashada heer federaalka ayaa ku talla jira in ka hor waqtiga loo asteeyay doorashada madaxweynaha Soomaaliya ku soo idleeyaan kuraasta dib loogu celiyay dowlad gobolleedyada si loo soo dhameystiro tirada xildhibaannada gollaha shacabka oo ka kooban 275 xubnood.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]