4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 1 , 2017
Booliiska Cadaado oo gacanta ku dhigay nin kufsi u geystay gabar Lix sano jir ah

 Arbaco, Feberaayo, 01, 2017 (HOL) – Ciidamada booliiska magaalada Cadaado ayaa gacanta ku dhigay askari ka tirsan militariga ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta 21aad oo ku eedeysan in uu kufsi u geystay gabar Lix sano jir ah.

Cumar Macalin oo ah taliyaha saldhiga booliiska degmada Cadaado oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen ninkan oo ka tirsanaa ciidamada militariga, isaga oo intaa ku darray in gabadhan lagu kufsaday guri ku yaala dulleedka magaalada Cadaado.

“Gacanta ayaa ku heynaa danbiilihii falkaa u geystay gabadha yar ee aan waxba garan, danbiilaha gabadha ayaa sheegtay kadib markii 30 nin ay ka soo dhax saartay, waa uu xiran yahay sharciga ayaana la horkeeni doonaa’’ ayuu yiri taliyaha.

Muuqaal laga baahiyay TV ku hadla afka Soomaaliga ayaa laga arkayay gabadha yar oo farta ku fiiqeysa shaqsiga falka ku kula kacay xili uu ka mid ahaa rag badan oo goobta leysugu keenay.

Ugu danbeyntii, kiiskan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo laga soo sheego gobollada dhexe marka loo eego da’da gabadha la sheegay in la kufsaday oo ah gabar aad u yar.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]