Kumanaan dibadbaxayaal ah oo xalay isugu soo baxay aqalka looga arimiyo magalada Columbus Ohio
Arbaco, Feberaayo, 01, 2017 (HOL) -Dibad baxayaal aad
u badan oo kor u dhaafayay kumanaan ayaa Xalay isugu soo baxay aqalka looga
arimiyo magalada Columbus Ohio , kuwaas oo ku qeylinayay ereyo ka dhan ah
go'aamo uu dhawaan soo saaray madaxweyne Trump .
Iyada oo cimiladu
aad u xumayd uuna jiray qaboow aad u daran hadana dadku saacad walba waa ay sii
kordhayeen ilaa ay goobtu soo buux dhaaftay.
Dibad baxayaasha
oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshadda Mareykankaa ayaa waxa ay
lulayeen boorar iyo halku dhigyo muujinaya sida ay uga soo horjeedaan in
Mareykanka laga mamnuuco soo galootiga, in la bar tilmaameedsado dalalka qaar,
in diimaha qaar loo arko kuwo lidi ku ah amaanka Mareykanka iyo in darbi laga
dhiso xaduuda maksiko ay la wadaagto Mareykanka.
Halku dhiggyada ay
wateen waxaa ka mid ahaa. Mareykan waa dhulkii soo galootiga, Darbi Maya,
Xayiraad Maya, Qaxootiga waan ku soo dhaweynaynaa dalkeena, Nacayb maya,
Kala sooc maya, Midnimo Haa. Qooysaska hakala geeyn, Awooda dadkaa iska leh iyo
kuwo kale oo badan.
Mudo markii ay
joogeen barxada weyn ee aqalka looga arimiyo Columbus waxa ay u dareereen
Maxkamada gobolka oo ay iyana horteeda taagnaayeen in cabaar ah.
Waxaa cariiri
noqday in gaadiidku ay isticmaalaan wadooyinkta bartamaha Columbus, maadama
kumanaan dad weynaha ah ay wadooyinka socod ku marayeen.
Ciidanka booliska
ayaa aad amaanka u sugayay iskuna dayay in xaalada amaan aysan wax saamayn ah
ku yeelan dibad baxyadani.
Inkasta oo ay
Soomaali dhalinyaro u badan ka soo qeyb galeen hadana wey adkeyd in ay
Soomalidu si fudud iskugu arkaan goobta banaanbaxa maxaa yeelay waxa qariyay
tirada dadka kale oo marka loo eego Soomaalidu ay noqonayaa tiro aan la sheegi
karin.
Banaanbaxan oo
qeyb ka ah banaanbaxyo hareeyay Mareyanka tan iyo markii la doortay madaxweyne
Trump waxa ay muujinayaan sida dalka Mareykanka uu u yahay dalkii soo
galootiga....
Lama oga inta ay
sii socon doonaan banaanbaxyadani waloow ay jiraan dad aaminsan in la sii wado
inta laga helayo isbadal markale uu ku dhawaaqo madaxweyne Trump.
Bashiir Taajir
& Deeqo SONNA