4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 1 , 2017
Kenya oo sheegtay in weerarkii Kulbiyoow ka qeyb-qaateen dhalinyaro Kenyaan ah

Arbaco, Feberaayo, 01, 2017 (HOL) – Saraakiil ka tirsan dowladda Kenya ayaa sheegay in weerarkii Al-shabaab todobaadkii hore ay ku qaadeen saldhig ay ku lahaayeen deegaanka Kulbiyoow ka qeybqaateen dhalinyarro ajaanib ah oo qaarkood ka soo jeeda dalka Kenya.

Waxaa ay sheegeen in weerarkii lagu qaaday saldhiga ciidamada dowladda Kenya ee degaanka Kulbiyow ay ka qeyb qaateen dagaalyahano ku jira Al-Shabaab oo ka soo kala jeedda dalalka Kenya iyo sidoo kale Tanzania.

Weerarka oo markiisii hore ku bilaawday qaraxyo ismiidaamin ah ayeey sheegeen saraakiisha Kenya in ay fuliyeen dhalinyaro Kenyaan ah, hasse ahaatee markii ay qaraxyadaa dhaceen kadib dhalinyaro u badnaa Soomaali weerar ku toos ah ku qaadeen saldhiga.

Sida laga soo xiganayo hay’adda ammaanka dowladda Kenya dagaalkii Kulbiyow waxaa ka qeyb qaatay in ka badan 500 oo askari oo Al-shabaab ka tirsan , waxaana ku jiray ayeey sheegeen laamaha amniga dhalinyarro ka soo jeedday dalalka Kenya iyo Tanzania.

” Qof kii ugu horeeyay ee waday gaarigii lagu qarxiyay saldhiga ciidamada , waxaana uu ku hadlayay luqadda sawaaxiga ee looga hadlo Kenya” sidaa waxaa sheegay afhayeen u hadlay laamaha amniga Kenya.

Ugu danbeyntiim, Al-Shabaab ayaa Jimichii lasoo dhaafay waxaa ay weerar xoogan ay ku qaadeen degaanka Kulbiyow ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana ay sheegeen in ay halkaasi ay dileen tiro ka mid ah ciidamada dowladda Kenya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]