4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 17, 2017
Ururrada bulshada rayidka ah ee Jubbaland oo sheegay in aan lagu casuumin shirka arimaha dastuurka


Axad, December, 17, 2017 (HOL)–Kulaan ay isugu yimaadeen masuuliyiinta dallada ururrada aan dowliga ahayn ee Jubbaland (JUNSAA) ayaa waxa ay uga soo horjeesteen shirka looga hadlayo hannaanka dib u eegista dastuurka ee ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Shirkan oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda dastuurka dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ka qeybgalaya masuuliyiinta ururrada bulshada rayidka ah ee dalka iyo madaxda wasaaradaha dastuurka dowlad goboleedyada, waxaana looga tashanayaa arimo ku saabsan dib u eegista dastuurka.

War saxaafadeed ay soo saartay dallada oo uu ku saxiixnaa gudoomiyaha dalladaasi Mudane Max'ed Naasir Cabdi Axmed ayay ku sheegeen in shirkaasi aan lagu casuumin ururrada bulshada rayidka ah ee Jubbaland, sidaa darteedna aysan aqbali karin waxyaalaha kasoo baxa.

"Waxaan wasaaradda arimaha dastuurka ee xukuumadda federaalka, gudiyada labada aqal ee dastuurka iyo gudiga dastuurka ee madaxa bannaan ku wargelineynaa in shacabka Jubbaland aysan aqbali karin waxa kasoo baxo aysanna dhici karin in loo meeriyo wax ay soo dhoodhoobeen shaqsiyaad kabeen sheegaya rabitaanka bulshada Jubbaland," ayaa lagu yiri war saxaafadeeda.

Dhinaca Kale, shabakadda HOL ayaa arimahan wax ka weeydiisay Agaasimaha wasaaradda dastuurka dowladda Soomaaliya Mudane Max’ed Abuukar Zubeer, isagoo sheegay in shirka ka socda Muqdisho uu ka qeybalayo masuul matalaya ururrada bulshada rayidka ah ee Jubbaland.

“Anigu ma garanayo waxa khilaaf ee u dhexeeya ururka, balse waxaa shirka ka qeybgalaya qof matalaya ururrada bulshada rayidka ah ee Jubbaland,” ayuu hadalkiisii raaciyay.

Mar aan weeydiinnay in ay xiriir la sameeyeen masuuliyiinta dallada, ayuu sheegay in inta badan ay ururrada bulshada rayidka ah kala xiriiraan madaxda wasaaradaha dowlad goboleedyada, ayna usoo gudbiyaan dadka ka qeybgalaya, isagoo xusay in wasaaradda cadaaladda Jubbaland ay soo gudbisay qofkii matali lahaa ururrada bulshada rayidka ah ee Jubbaland.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.