4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 17, 2017
Kismaayo oo lagu qabtay Kulan ay shacabka Su'aalo ku weeydiinayeen Wasiirro ka tirsan Jubbaland


Axad, December, 17, 2017 (HOL)–Kulankan oo ay soo agaasintay madaxtooyada dowlad goboleedka Jubbaland oo garab ka heleeysa hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta ee UNDP, ayaa lagu qabtay magaalada Kismaayo ayadoo ay ka qeybgaleen masuuliyiinta ururrada bulshada rayidka ah iyo qaar ka mid ah bulshada ku dhaqan magaalada Kismaayo.

Kulanka ayaa waxaa maanta su'aalo lagu weeydiiyay wasiirada wasaaradaha Caafimaadka, Gaadiidka, Biyaha, howlaha guud iyo guryeynta iyo wasaaradda beeraha.

Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubbaland Mudane Max'uud Sayid Aadan oo khudbad ka jeediyay furitaankii kulanka, ayaa sheegay in ujeedku yahay in shacabku soo bandhigaan waxyaalaha ay ka gaabiyeen wasaaradaha, sidaa si lamid ahna ay wasaaruhu soo bandhigaan waxqabadkooda, arintaa oo uu sheegay in ay wax ka tari doonto dowlad wanaagga.

Shacabka ayaa wasiirada weeydiinayay su'aalo ku saabsan waxyaalaha ay ka gaabiyeen wasaaradaha iyo baahiyaha jira ee u baahan in wax laga qabto.

Wasiirada ayaa mid mid uga jawaabayay su'aalihii la weeydiinayay, ayagoo sameeynayay ballanqaadyo ku saabsan in ay wax ka qaban doonaan waxyaalaha lagu dhaliilay in ay ka gaabiyeen.

Sida ay masuuliyiintu sheegeen, kulamadan u dhexeeya shacabka iyo madaxda wasaaradaha ayaa sii socon doona, ayadoo la filayo in maalinta barito sidan oo kale su'aalo loo weeydiiyo qaar kamid ah wasaaradaha harsan ee Jubbaland.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.