4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 17, 2017
Madaxda dowladda oo la kulmay madaxa hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobey

 

Axad, December,  17, 2017 (HOL)–Madaxda dowladda Soomaaliya iyo xubno ka tirsan golaha wasiiradda ayaa la kulmay Madaxa Qaxootiga Adduunka u qaabilsan QM Filippo Grandi oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey madaxa Qaxootiga caalamka taageerada ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed ee barakacay sanadihii ay dalka ka jirtay colaaddu, isagoo xusay xiligan oo dalku soo hagaagayo in dawladdu diyaar u tahay wixii macquul ah ee sahlaya dib-u-soo noqoshada dadka qaxootiga ah.

“Soomaaliya diyaar ayay u tahay in ay Qaramada Midoobay iyo hay’addaha kale ee caalamiga kala shaqeyso hirgelinta barnaamijyada dib u soo celinta Qaxootiga Soomaalida, waana u mahad celinayaa dawladihii marti-geliyey dadkeena waqtigii adkaa ee la soo maray”.ayuu yiri Khayre.

 

Wafdiga uu hoggaaminayo madaxa Qaxootiga Adduunka ayaa waxaa ka mid ah Wakiilka Hay’adda u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey, ayaa sidoo kale kulan la qaatay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyaga oo maalinta Berri ahna booqan doonaan magaalada Kismaayo ee dawlad-gobolleedka Jubaland.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]