4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 17, 2017
Xildhibaan CabdiSaabir : Xeer Ilaaliyaha Isaga ayaa shaqadiisa qabsan waayay Annaga in uu na eedeeyo ma’aha

 

Axad, December, 17, 2017 (HOL) – Mid ka mid ah labo xildhibaan oo xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir uu ku eedeeyay danbi Qaran Dumis ah oo la hadlay VOA ayaa beeniyay dhamaanba eedeymaha loo soo jeediyay.

Xildhibaan Cabdi Saabir Nuur Shuuriye oo ayaa isaga oo jooga magaalada Dubai ee dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta ayaa ku edeeyay xeer Ilaaliyaha Qaranka in uu shaqadihiisii qabsan waayay kaddib markii sida uu hadalka u dhigay lagu xadgudubay qodob dastuuri ah.

‘’Waan ka xummahay xildhibaanno Aragtidooda Cabiray oo Qarannimadooda difaacaya lagu tilmaamo Qaran dumis, Xeer ilaaliyaha Isaga ayaa shaqadiisa qabsan waayay kaddib markii xafiiska madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha ku xadgudbeen qodob dastuuri ah oo qof nool oo Soomaali ah loo gacan galiyay dowlad kale’’ ayuu yiri xildhibaanka.

Xildhibaan Saabir ayaa sheegay in ay ka hadleen oo kaliya qodob xildhibaannada oo dhan dood ka keeneen oo ah dhiibista Qalbi-Dhagax, laakiin waxaa uu sheegay in sababta loo bartilmaameedsaday isaga iyo xildhibaan Xassan Macalin uu u maleynayo cadaawad gaar ah oo laga yaabo in ay shaqsiyaad u hayaan labadooda.

‘’Anniga iyo Xassan Macalin Saaxiibo dhaw ayaannahay Xeer ilaaliyaha isaga ayaa Soomaali Itoobiyaan ah, qofka aan difaaceyno ee dhiibistiisa aan sharci darro u aragno waa shaqsi ay deegaan ka soo wada jeedaan arintaa ayeey aheyd in uu ka hadlo’’ ayuu yiri xildhibaanka oo iska difaacay dhamaanba eedeymihii loo soo jeediyay.

Sidoo kale waxaa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay qodob ku jiray shirka jaraa'id ee Xeer Ilaaliyaha oo ahaa in ay dowladdo shisheeye dhaqaale ka soo qaateen Qarannimada loo wax yeelleeyo.

Xildhibaan Xassan Macalin ayaan wali dhinaciisa ka hadal eedeynta loo soo jeediyay, hasse ahaatee saacdaha soo socda ayaa la filayaa in uu qabto shir jaraa’id oo uu kaga jawaabayo eedeynta uu soo jeediyay xeer ilaaliyaha.

Labada xildhibaan ayaa ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ee laga soo doorto Galmudug.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]